Wararka naga soo gaaraya degmada Bursaalax ee gobolka Mudug ayaa sheegaya halkaas lagu dilay laba nin oo rayid ah, kuwaas oo mid ka mid ah la sheegay inuu ahaa maamulihii shirkadda isgaarsiinta Golis ee degmada, laguna magacaabi jiray Burhaan Xaashi, halka ninka kale uu ahaa ganacsade deegaanka ah.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay gudaha degmada, waxaana la sheegay in falkaasi uu la xiriiro aano qabiil, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin faahfaahinta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdada.
Hay’adaha Amniga ee Puntland ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah la bilaabay, iyadoo weli aysan jirin cid si rasmi ah oo loo soo qabtay weerarka.
Xiisad ayaa laga dareemya degmada, iyadoo dadka deegaanka ay ka walaacsan yihiin suurtagalnimada dagaal halkaasi ka dhaca.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…