Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shirarka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya waxgaradka iyo mas’uuliyiinta gobolada dhisanaya dowlad goboleedka SSC Khaatumo.
Ergada ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dooday Magaca Maamulka, Calanka, Caasimada Laascaanood, Hanaanka Awood qaybsiga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka.
Sidoo kale, doodaha ayaa sii socon doona ilaa maanta, iyada la filayo in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wada hadallada.
Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kor joogteynaysa kulmadan ay yeelanayaan dadka daga gobollada Sool iyo Sanaag.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay waxgaradka beelaha daga deegaannada loo dhisayo maamulka, isaga oo kala hadlayay sidii isfaham loo gaari lahaa.
Dadaallada maamul dhiska SSC Khaatumo ayaa waxaa diidan Somaliland iyo Puntland oo sheegta deegaannada qaar ee laga dhisayo dowlad goboleedka.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…