GUDAHA/wararka

Kenya oo xayiraada Fiisaha ka qaaday dalalka Afrika marka laga reebo Soomaaliya iyo Liibiya

Dowladda Kenya ayaa shuruudihii Fiisaha ka qaaday dalalka Afrika, marka laga reebo dalkeena Soomaaliya iyo Liibiya, tillaabadani oo ay walaac ka muujiyeen bulshada Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkan hadda kama baahna inay dalbadaan Electronic Travel Authorization (ETA), ma jiraan foomam dheer oo ay buuxinayaan, mana jirto wax kharash fiise ah oo laga rabo.

Tani waxay fasaxaysaa dadka socdaalka ah ee doonaya in ay tagaan gudaha Kenya ee doonaya u soo dalxiis tagaan dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Kenya ayaa sheegtay in dalalka Libya iyo Somalia aysan ka faa’iideysan doonin nidaamkan cusub sababo la xiriira “khataraha amni” ee ay wataan.

Go’aankan ayaa laga dhawaajiyay iyadoo la eegayo xaaladda ammaanka ee dadka ka imaanaya dalalka Afrika, sida ay sheegtay wasaaraddu.

Tallaabadan qeyb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne William Ruto ee ahaa in dalka Kenya uu ka dhigayo mid soo jiita Dalxiiseyaasha.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

3 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

5 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

5 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

6 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

19 hours ago