GUDAHA/wararka

Kenya oo sheegtay in Ayax uga Gudbay Soomaaliya & Itoobiya uu gaaray 9-Ismaamul Goboleed.

Kenya ayaa sheegtay in Ayax ka gudbay Soomaaliya & Itoobiya uu dhibaato ku hayo 9-Ismaamul Goboleed, saameynta ugu badan waxa uu ku reebay dhul daaqsimeed baaxadweyn & beero kala duwan.

Ismaamulada sagaalka ah ay Kenya sheegtay in uu gaaray Ayaxa waxaa ka timid Cabasho xooggan oo dadka deegaanka ah, waxa ay kala yihiin: 1-Wajeer, 2-Gaarisa, 3-Tana River, 4-Kiliifi, 5-Lamu, 6-Mombaasa, 7-Taita 8-Taveta Kitui and 9-Marsabit.

Ayaxa ayaa marka uu dhirta ku dul-dego waxa uu dhigaa ukun ka dhalata koron-korada oo dhibaatada ugu badan ku reebta caleenta qoyan ee geedka haddii aysan helin gargaar kahortag ah oo lagu buufinayo.

Xoghayaha guud ee Beeraha Xamaadi Boga ayaa sheegay in dhirtu wali ay cagaaran tahay, balse ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo looga hortagayo in Koron-korada diirka ka dhigto dhirta.

Waddanka waxaa kusoo duulay Ayax labaad oo ka yimid Soomaaliya & Kenya, waxa uu raadinayaa meelo wanaagsan oo doog iyo carro ugdoon leh si uu u dhigto ukumaha uu wato Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha guud ee Beeraha Xamaadi Boga.

Bartamaha Soomaaliya waxaa cabasho ka timid Xoolo dhaqatada kadib markii dhulka naqa leh uu ku degay Ayax kasoo gudbay Xadka Soomaaliya & Itoobiya, qaarkood ayaa adeegsaday waxyaabo ay ku sal-kicinayaan balse aan kahortagi Karin Urunkiisa oo saameyn dambe leh.

Isha:  Business Daily Afrika  / Mustaqbal.

MM Editor

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

3 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

4 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

5 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

5 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

7 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

8 hours ago