GUDAHA/wararka

Itoobiya oo Qaramada Midoobay u gudbisay Dacwad ka dhan ah Eretareeya 

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Dalka ay horay u kala go’een ee Eretareeya, Addis Ababa ayaa dhiggeeda Asmara ku eedeysay in ay faragelin ku hayso dhulkooda isla markaana ay gudaha usoo gashay.

Itoobiya ayaa warqadda ay u dirtay Qaramada Midoobay ku muujisay sida ay uga walaacsan tahay faragelinta dhuleed ee Eretareeya ku hayso iyada oo ku goodisay inay qaadayso tallaabo ay ku tilmaamtay mid is difaac ah sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Xaanshida Dacwadda ah ay u dirtay Qaramada Midoobay ku caddaysay in Ciidanka Eretareeya ay gudaha dalkooda usoo galeen ilaa 60 Kiilo-mitir si ay halkaas uga abuuraan colaad ku faafta Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos ayaa ficilka Eretareeya ku tilmaamay “Duullaan iyo Gardarro cad” loona baahan yahay in arrintaan lagu cadaadiyo Asmara si ay dib ula baxdo Ciidankeeda haddii kale ay qaadayaan tallaab militari.

Dhanka kale, Eretareeya oo ka jawaabtay arrintaas ayaa warqad warcelin ah u dirtay Qaramada Midoobay iyada oo dhinaca Itoobiya ku eedeysay inay waddo qorshe abaabul dagaal oo ay ku sheegtay in ay ku gaarayso Badda Cas iyada oo maraysa dhinaca Dalkeeda.

Wasiirka Warfaafinta Eretareeya, Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in Itoobiya ay muddo ka badan saddex sano wadday waxa uu ku tilmaamay “dagaal gardarro ah” oo ka dhan ah Dalkiisa iyada oo intaas ay dheer tahay fariimo hanjabaad ah oo Warbaahinta marsiinaysay.

Eretareeya waxa ay Dowladda Itoobiya ku eedeysay in tan iyo 2023 ay xoogga saartay sidii ay u beegsan lahayd Dekedda Assad taasi iyada oo ka duullaysa in ay difaac ka gashay duullaanka Xukuumadda Addis Ababa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa taagan cabsi ka dhalatay hanjabaadaha iyo dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee Itoobiya iyo Eretareeya ay samaynayaan iyada oo ay intaas dheer tahay hadallo goodin ah iyo ashtako isugu jira oo Qaramada Midoobay iyo ururro kale ay u kala direen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo falal amniga lid ku ah ku eedeyay Ciidamo taabacsan MW hore Shariif

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…

25 mins ago

Maxay kawada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee…

5 hours ago

Pakistan oo xaalad degdeg ah ku soo rogtay Gobolka uu maamulo Xisbiga Imran Khan

Dowladda Pakistan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay Gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo gacanta ugu…

5 hours ago

Heritage oo Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo Dhismaha DG HirShabeelle, Caqabadaha & Fursadaha

Machadka Heritage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Dhismaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle…

6 hours ago

Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…

8 hours ago

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…

8 hours ago