GUDAHA/wararka

Heritage oo Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo Dhismaha DG HirShabeelle, Caqabadaha & Fursadaha

Machadka Heritage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shir looga hadlayo Dhismaha Dowlad-Goboleedka HirShabeelle iyada oo laga eegayo caqabadaha iyo fursadaha, waxaana lagu martiqaaday mas’uuliyiin kala duwan.

Shirkaan oo ah mid hal maalin ah waxaa lagu soo bandhigayaa daraasado la xiriiro Maamulka HirShabeelle iyada oo doodaha lagu martiqaaday mas’uuliyiin kala duwan oo qayb ka ahaa dhismaha Dowlad-Goboleedkaas iyo kuwo xilal ka haya.

Dadka fursadaha u helay ka qaybgalka shirkaan ayaa su’aalo weydiin loo furayaa si ay su’aalaha ay qabaan u weydiiyaan martida ka qaybgalaya doodaha ugana jawaabaan sida ku xusan jadwalka shirka loo diyaariyay.

Daraasadda baarista ah ee lagu soo bandhigayo shirkaan saacadaha uu socda ayaa la dhinac dhigayaa xogta kasoo timaada ka qaybgalayaasha oo intooda badan kasoo jeeda Dowlad-Goboleedka HirShabeelle sida uu Mustaqbal Media sheegay Dr Yuusuf Sheekh Cumar.

“Madashaan waxa ay ku saabsan tahay Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, weliba waxa ay kusoo aadday xili ay doorasho ka dhacday, Dadka la martiqaaday waxa ay u badan yihiin Maamulkaas, cilmi-baarista aan samaynay halkaas ayaan kasoo uruurinay, sidoo kale waxa aan rabnaa in cilmi-baaristeenna iyo tan dadka kale lana wadaagayaan in ay isku waddo ku socdaan oo ay is kaabayaan.” Dr. Yuusuf Sheekh Cumar, Cilmi-baare sare oo katirsan HIPS

Dr. Cabdirashiid Ismaaciil, Agaasime Kuxigeenka Cilmi-baarista Machadka Heritage ayaa dhankiisa Mustaqbal u sheegay in xog-baaristooda lagu ogaanayo waxyaabaha ka dhiman iyo kuwa dhammaystirmay ee Maamulka HirShabeelle sida uu hadalka u dhigay.

“Maanta waxaan soo bandigeynaa 10 sano maxaa u saxmay maxaase ka khaldamay Maamulka Hirshabeelle, marka waxaa loo baahan yahay maxaa dhiman ama dhammaystirmay, talooyin ayay daraasaddu soo jeedinaysaa.” Sidaasi waxaa yiri Agaasime ku xigeenka Cilmi-baarista Machadka Heritage, Dr Cabdirashiid Ismaaciil

Heritage waa machad madax-bannaan oo ka shaqeeya cilmi-baarista, falanqaynta siyaasadda iyo daraasadaha la xiriira xaaladda Soomaaliya, tan iyo markii la aasaasay waxa uu qabtay kulamo kala duwan oo waxyaabihii dhaxal-galka ahaa la diiwaangeliyay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Pakistan oo xaalad degdeg ah ku soo rogtay Gobolka uu maamulo Xisbiga Imran Khan

Dowladda Pakistan ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay Gobolka Khyber Pakhtunkhwa oo gacanta ugu…

3 mins ago

Trump oo sheegay in Ukraine ay u baahan tahay Madaxweyne Cusub oo soo afjari karo dagaalka Ruushka 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceeyay dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky isaga oo ku sheegay in…

2 hours ago

Ciidamada DFS oo howlgallo ka dhan ah AS kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaanno katirsan Gobolka Hiiraan…

3 hours ago

Sacuudiga oo soo bandhigay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Dalkiisa 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa soo bandhigtay Haraadiga Gantaal Xuutigu uu ku dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee…

4 hours ago

Cumar Cartan oo ku dhow inuu ka garsooro Horyaalka Masar

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka…

22 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo xoogga saartay Tababarka Ciidan cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…

1 day ago