Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa suuragal ah inuu garsooro kulammada Horyaalka Premier League-ga Masar, kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya uu warqad rasmi ah u gudbiyey dhiggiisa Masar, sida ay baahisay Warbaahinta dalka Masar.
La-taliyaha dhinaca garsoorka ee Masar, Samiir Cusmaan, ayaa xaqiijiyey in ay heleen warqadda ka timid Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isla markaana ay hadda sugayaan go’aanka kama dambaysta ah ee Xiriirka Kubadda Cagta Masar.
“Haa, waxaan helnay warqad ka timid Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, waxaana sugaynaa go’aanka Xiriirka Kubadda Cagta Masar. Annaga oo dhinaca maamulka ah waan oggolnahay, wuxuuna wax weyn ku soo kordhin doonaa horyaalka Masar” ayuu yiri Saamiir Cusmaan.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu baahiyay warar sheegaya inuu Garsoore Cartan ku biiri doono Garsooreyaasha Kubada Cagta ee dalka Masar.
Cumar Cartan ayaa muddooyinkii dambe magac iyo sumcad ka dhex sameystay garsoorayaasha qaaradda Afrika, isagoo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee CAF
Horyaalka dalka Masar ayaa ah mid kamid ah kuwa loogu daawashada badan yahay Qaaradda Afrika, waxaana ka ciyaara Ciyaartooy tayo leh.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay qorista dhallinyaro cusub oo ku biiraysa Ciidamada kala duwan…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in biyo xireenka Itoobiya ay horay u dhistay uu…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in cunaqabatayn ay kusoo rogtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada…
Ajaanibta ku nool Koofur Afrika oo Soomaalida ay qayb ka tahay ayaa walaac ka muujiyay…
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ka dhan ah Dalka ay horay…
Taliyihii Booliiska Kenya ee Saldhigga Faafi iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax…