Danjiraha India u qaabilsan Soomaaliya & Kenya Dr Virander Paul ayaa ballanqaaday in Dowladdiisa ay gacan ka geysaneyso gurmadka loo uruurinayo Dadka Abaarta ku saameysay Gobollada Dalka.
Safiirka oo la kulmay Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay caawinta Soomaaliya.
Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada ayaa lagu sheegay in India door firfircoon ku leedahay xakameynta dhibaatooyinka dhanka cunnada ah maadaama ay kamid tahay G20.
Warsame waxa uu ka codsaday Danjire Virander Paul in Dowladdiisa ay codkooda ku garab istaagto Soomaaliya si ay uga baxdo xaaladaha kala duwan oo ay ugu weyn tahay cunno yarida jirta oo ah mid guud ahaan Caalamka Saameysay.
“Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta. Wuxuu kaloo Ergeygu kala hadlay Safiirka in Hindiya codkeeda ugu qareento Soomaaliya fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan G20, sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Safiirka ayaa soo dhoweeyay kana balanqaaday Ergayga in India ay mar walba garab istaagi doonto Somalia ayna ku dedaali doonaan garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ergayga MW Jamhuuriyadda u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bania aadamnimada ayaa sheegay in uu helay ballanqaadyo kala duwan kaddib markii uu la kulmay Madax ka kala socota Hay’ado, Safiiro & Shaqsiyaad kale si loo gacansiiyo Malaayiinta ruux ay saameysay Abaarta Dalka ka jirta.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…