GUDAHA/wararka

In ka badan 5 kun oo Tahriibayaal Soomaali ah oo sanadkaan galay Yurub

Hay’adda Dabagalka Barakacaayaasha ee loosoo gaabiyo (DTM) ayaa sheegtay in 5,435 Tahriibayaal Soomaali ah ay galeen Qaaradda Yurub intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025 kuwaas oo hadda ku kala sugan dalal kala duwan.

Dadkaan ayaa kamid noqday Tahriibayaasha sida nabadgalyada ah ku galay Yurub ee ka tallaabay Badda, waxa ay Hay’addu muujisay baaxadda Dadkaas oo ka dhigaysa mid ka badan daraasaddii 2024 waana saddex laab tiradii diiwaanka sanadkaas sida hadalka loo dhigay.

Xog-baarista hay’adda DTM waxa ay keliya ku salaysan tahay Dalalka Italy & Spain, waxaa laga reebay dhinaca Giriigga oo sii kordhin karta tirada Tahriibayaasha sanadkaan ka baxay Qaaradda Afrika ee u tallaabay Yurub.

Badda Mediterranean-ka oo ah marinka ay ka gudbeen dadkaan ayaa dhanka kale ah meesha ay isku waayeen dad wada tahriibaayay oo baddaas ku dhintay, halistaas jirta kama hor istaagin in ay joogsadaan tahriibayaasha.

Tani waxa ay quus ka dhigtay qorshihii Dalalka Yurub ee xalka ugu raadinayeen sidii loo xakamayn lahaa qulqulka Tahriibayaasha, waxa ay Dadkaas ku doodayaan in ay Yurub ka helayaan nolol ay aaminsan yihiin in ay uga wanaagsan tahay tan dalkooda.

Soomaalida tahriibtay ayaa ah boqolkiiba afar marka la dhinac dhico tahriibayaasha kale ee Qaaradda Afrika ka socdaashay sanadkaan 2025 ee diiwaankooda sida rasmi ah loo helay laguna xusay warbixintaan Hay’adda DTM soosaartay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago