GUDAHA/wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka & Jaamacadda Muqdisho oo Qabtay Madasha Saddexaad ee Amniga Saaybarka Qaranka Soomaaliya

Madasha Amniga Saaybarka Qaranka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho, iyadoo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda Muqdisho. Madashan oo socon doonta muddo labo maalmood ah, oo cinwaankeedu yahay “Hormarinta Amniga Dhigitaalka ee Soomaaliya,” ayaa waxaa kasoo qeybgalay khubaro, mas’uuliyiin ka socda dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, shirkadaha bixiya adeegga internetka, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Madashan, oo ah mid sanadle ah, ayaa ujeeddadeedu tahay xoojinta amniga dhijitaalka ee dalka, kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo horumarinta fahamka guud ee daneeyayaasha ee ku wajahan mas’uuliyadda wadajirka ah ee amniga dhijitaalka. Sidoo kale, madasha waxaa lagu falanqeyn doonaa doorka amniga Saaybar-ka ee kaabayaasha dhijitaalka ee qaranka (Digital Public Infrastructure), iyo baahida loo qabo nidaamyo iyo siyaasado casri ah si loo yareeyo khataraha sii kordhaya ee internet-ka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa soo dhaweeyay ka-qaybgalayaasha, isaga oo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Muqdisho iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee wada-qabashada madashan.

 

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Ibraahim Maxamed Mursal

 

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mustafa Yaasiin Sheekh, oo furitaanka madasha ka hadlay, ayaa xusay in amniga saaybarku yahay tiir-dhexaad ka mid ah ajendaha isbeddelka dhijitaalka ee Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay iskaashi dhow oo u dhexeeya hay’adaha dowladda, jaamacadaha, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si wadajir ah loo wajaho khataraha saaybarka. Maareeyaha ayaa sidookale xusay in HIQ ay ka go’an tahay dhismaha nidaamyo iyo awood farsamo si loo ilaaliyo kaabayaasha isgaarsiinta qaranka iyo adeegyada dhijitaalka.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mustafa Yaasiin Sheekh

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Macallin Adan (Soomaali), ayaa si rasmi ah u furay madasha. Wasiirka ayaa ku tilmaamey in Amniga Saaybarka-ku uu yahay halbeeg qaran oo mudnaan gaar ah leh, isla markaana wasaaraddu ay waddo diyaarinta iyo hirgelinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah, laguna ilaalinayo xogta iyo adeegyada muhiimka u ah bulshada iyo dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in mar dhaw baarlaamaanka ansixin doono sharciga Amniga Saaybarka.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee madasha, waxaa lagu soo bandhigi doonaa khudbado muhiim ah, fadhi-doodyo, warbixinno cilmi-baaris, iyadoo  diiradda lagu saari doono horumarinta amniga Saaybar-ka ee dalka, wacyigelinta bulshada, iyo iskaashiga u dhexeeya daneeyaasha kala duwan ee amniga saaybarka dalkeenna. Doodahaasi waxaa laga filayaa in ay soo saaraan talooyin wax-ku-ool ah oo lagu sii xoojinayo heerka amniga saaybarka ee qaranka.

Madashan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya u qaadday dhanka horumarinta nidaamyo, siyaasado, iyo awood qaran oo lagu xaqiijinayo amniga dijitaalka ah iyo adkeysiga kaabeyaasha dhijitaalka ee qaranka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

9 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

11 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

14 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

15 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

16 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

16 hours ago