Aadan Sh.Cali Fiidow Gudoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow.
Wareegto uu soo saaray Gudoomiye Yariisow waxaa lagu sheegay in sababta shaqo joojinta Gudoomiye Fiidow loogu sameeyay uu yahay amar diido iyo shaqo cuuryaamin uu ku hayay qaybta Howlaha guud iyo Nadaafadda.
Xaanshida kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale lagu sheegay in Gudoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir uu sameeyay shaqo joojin uusan kala tashan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Xil ka qaadista Aadan Sheekh Cali Fiidow u cuksaday in uu amar ku bixiyay in la joojiyo mashruuc lagu dhisayay Garoonka Kubadda Cagta Qoob dooro ee Degmada Kaaraan.
Hoos ka aqriso Wareegtada:
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…