GUDAHA/wararka

Dowladda Yemen oo sheegtay in xubno katirsan AS ay ku dishay Dagaal ka dhacay Dalkaas

War kasoo baxay Dowladda Yemen ayaa lagu sheegay in dagaal ka dhacay dalkaas lagu dilay xubno katirsan AS oo Soomaali ah kuwaas oo maydadkooda lagu arkay Xeebaha Galbeedka Dalkaas sida hadalka loo dhigay.

Yemen ayaa tilmaamtay in dagaalka ay la gashay kooxaha Xuutiyiinta ah ay ku gaarsiisay khasaara xooggan iyada oo ka dishay Dagaalamayaal badan oo isugu jira Muwaadiniin u dhashay Dalkaas iyo kuwo Ajaanib ah.

Arrintaan waxa ay xoojinaysaa warbixin dhowaan kasoo baxday Hay’adda Cilmi-baarista Siyaasadeed samaysa ee Century Foundation ee fadhigeedu yahay Maraykanka oo sheegtay in Xuutiyiinta Yemen iyo AS ay isku milmeen.

Warbixintaas waxa ay muujisay in sannadkii 2024 ay AS Xoogga saareen sidii ay Xuutiyiinta uga heli lahaayeen Diyaaradaha Duulliye la’aanta ah ee weerarrada qaraxyada ah loo adeegsado inkasta oo aan la shaacin in dalabkaas la aqbalay iyo in kale.

Dhacdadaan ayaa markale indhaha caalamka usoo jeedisay Geeska Afrika maadaama Soomaaliya iyo Yemen ay isaga kala gudbaan Badda u dhaxaysa, waxaana sanadihii u dambeeyay aad isugu milmay labada Bulsho.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya Askarta Soomaalida ayaa xoojiyay howlgallada ay ku xaqiijinayaan Amniga Xeebaha Soomaaliya.…

2 hours ago

BFS oo u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daklhiga Qaranka…

7 hours ago

DG Puntland oo sheegtay in Hay’adaha ammaanka ay ku raad joogaan Kooxdii dishay Ganacsade Haamey

War hordhac ah oo kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay…

8 hours ago

Golaha Aqalka Sare BFS oo ansixiyay Sharciga la dagaalanka Burcad Badeeda

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Sharciga la…

9 hours ago

Madaxweynaha Gambia oo Shacabkiisa ka dibadbaxaya Koronto la’aanta ka codsaday in ay is dejiyaan

Madaxweynaha Gambia, Adama Barrow oo ka hadlay dibadbaxyada ka socda dalkiisa ee ka dhashay koronto…

9 hours ago

Soomaaliya diyaar ma u tahay in ay mas’uuliyadda Amniga dalka kala wareegto AUSSOM?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gudan karto mas’uuliyadda Amniga Dalka inay kala wareegto…

10 hours ago