GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aan la aqbali karin hub iyo ciidan lala yimaado Garoonka Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay ka hor-tagtay isku-day hub iyo ciidamo aan la aqoonsan lagu doonayay in laga soo dejiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay daba socoto isku-day ay sameeyeen xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka oo doonayay inay diyaarado ku soo daabulaan ciidan iyo hub ka soo kicitimay deegaannada Puntland iyo Jubbaland.

Wasaaraddu waxay xustay in xubnahan ay qayb ka ahaayeen dadka loogu talagalay inay ka qayb-galaan shirkii wada-hadallada ee dowladda Federaalku ku baaqday inuu Muqdisho ka qabsoomo kowda bishan Febraayo 2026.

Dowladda ayaa ku tilmaamtay tallaabadaas mid xadgudub ku ah baratakoollada amniga ee u degsan caasimadda iyo garoonka diyaaradaha, kuwaas oo ay horay u meel-mariyeen madaxda sare ee dalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Sidoo kale, hay’adaha amniga iyo guddiga qaban-qaabada shirka ayaa sheegay inay horay u ogeysiiyeen xubnaha metelayay Madasha Mustaqbalka inaan la aqbali karin ciidan iyo hub aan soo marin nidaamka sharciga ah.

Wasaaradda Amniga ayaa caddeysay in go’aankii maanta hawada looga celiyay diyaaradahaas uu ahaa mid waafaqsan sharciga iyo habraaca ilaalinta nabadgelyada garoonka iyo ka hortagga hubka sharci darrada ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay in martiqaadkeedii ku aaddanaa gogosha wadahadalka uu weli furan yahay, iyadoo ku boorrisay xubnaha Madasha Mustaqbalka inay dhowraan habraacyada amniga si loo hubiyo in shirku ku qabsoomo jawi deggan oo nabad ah.

War-saxaafadeedka hoos ka akhriso

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

3 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

7 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

7 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

7 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago