Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, Axmed macalin Fiqi ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladdu ay ciidamo gaysay Goboladda Sool iyo Sanaag.
Wasiirka oo qoraal kooban ku daabacay bartiisa Facebook ayaa sheegay in wararkaasi aysan sal iyo raad laheyn.
“Waxaan caddaynaynaa in Dawlad Federaalka ah aysan ciidan geyn Gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan. Shakhsiyaadka dawladda Federaalka ku eedaynaya arrintaasna wax caddayn ah oo ay soo bandhigeen ma jirto” ayuu yiri Wasiir Fiqi
Puntland iyo Somaliland ayaa hore u sheegay in Dowladda Federaalka ay ciidan geysay gobollada Sool iyo Sanaag maalmihii la soo dhaafay dadka deegaanka dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.
Magaalada Laascaanood ee caasimadda SSC Khaatumo ayaa waxaa ka socda kulamo ay yeelanayaan dadka deegaanka, kuwaasi oo looga arrinsanayo dhismaha Maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…