Dowladda Ingiriiska ayaa dejisay qorshe ay ku dooneyso inay isaga xakamayso qulqulka soogalootiga ku kordhay sanadihii lasoo dhaafay kuwaas oo dedaal ugu jira sidii ay u heli lahaayeen sharciga Dalkaas uu siiyo qofka magangalyo doonka ah.
UK ayaa istaraatiijiyad cusub u degtay Dadkaas waxaana ay qaadday tallaabo ay ku dooneyso sidii ay u xakamayn lahayd iyada oo qofka lagu adkaynayo helista degenaashiyaha rasmiga ah ama joogtada ah balse la siinayo mid kumeel-gaar ah.
Si arrintaan loo dhaqangeliyo, waxaa todobaadkaan bartamihiisa Baarlamaanka Ingiriiska la horgeynaya sharci ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Britain oo ah in qof weliba oo sifo sharci darro ah ku gala dalkaas la siinayo degenaashiyo kumeel-gaar ah.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska, Shabana Maxamuud ayaa Baarlamaanka Dalkeeda la wadaagi doonta qorshahaan iyo kuwo cusub oo dheeraad ah oo loo arko in ay xad u noqon karaan qulqulka aan dhammaadka lahayn ee soogalootiga.
Ajaanibta qorshahaan uu saamaynta taban ku reebayo waxaa kamid ah Soomaalida dalkaas ku tagaysa tahriibka iyaga oo isaga kala gudbaya dalal badan oo dhaca Qaaradda Yurub si ay ugu dambayn u saldhigtaan Dalkaan.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…