GUDAHA/wararka

Dowladda Federaalka oo lagu eedeyay in ay ciidamo hor leh geynayso gobolka Gedo

Waxaa mar kale soo cusboonaaday loolanka dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ee la xiriira gacan ku heynta gobolka Gedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo ay labada dhinac ka wadaan gudaha magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daabuleyso gobolka Gedo gaar ahaan magaalada Beledxaawo.

Sidoo kale, Ilo wareedyo ku sugan Beledxaawo ayaa soo sheegaya in dowladda Federaalka ay gobolka Gedo u magacaabeyso mas’uuliyiin iyo saraakiil cusub si ay uga shaqeeyaan Amniga iyo nabad galyada gobolka.

Dhaqdhaqaaqyadani waxaa ay ku soo soo aadayaan xilli dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha gobolka Gedo oo Cabdirishiid Janan saameyn ku leeyahay.

Khilaaf ayaa muddo ku dhow sannad u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, kaasi oo salka ku haya Doorashadii 25 Novembar lagu doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Gedo iyo eedaha ay u jeediyeen maamulka Jubbaland.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

7 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

9 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

13 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

14 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

14 hours ago

Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…

14 hours ago