GUDAHA/wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah AS kawada DG Koofur Galbeed

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada Deegaanno hoostaga Jameeco ee Gobolka Baay Maamulka Koofur Galbeed halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka qabsadeen AS sida ay ku warrameen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidanka oo wata Gaadiidka dagaalka gaar ahaan kuwa Gaashaaman isla markaana taageero cirka ah helaya ayaa xoogga saaray sidii ay uga hortagi la haayeen duullaanka AS waxaana ay xoojiyeen saldhigyada ay ka sameysteen deegaannadaas ay gacanta ku dhigeen sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ujeedkeedu yahay qabsashada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa culays ciidan waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka kala kulmeen AS iyaga oo dagaallo culus ku galay Xadka Gobollada Shabeelaha Hoose & Baay.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray qaar kamid ah Furimaha Dagaalka ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay xoojiyaan nabadgalyada deegaannada ay qabsadeen sidoo kalena ay gacanta ku dhigaan deegaannada ay weli joogaan AS.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Golaha Shacabka oo kulamadiis ku soo kordhiyay Luuqadda Suuldhabaaleynta

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamadiisa ku soo kordhiyay adeegga Luuqadda Suuldhabaaleynta, si…

1 hour ago

Hannaanka loo suga amniga madaxweyne Xasan Sheekh oo wax ka badal lagu sameeyay xilli la adkeeyay amnigiisa!

Hannaanka loo suga amniga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbadal lagu sameeyay, iyada oo…

2 hours ago

Dowladda Suudaan oo diiday gogosha uu Abiy Ahmed dhigay Addis Ababa

Dowladda Suudaan ayaa diiday gogosha uu Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu sheegay in uu…

2 hours ago

IMF oo Dalka Guinea amaahinaysa $425 Milyan

Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Dalka Guinea u ogolaatay in deyn ahaan loo siiyo…

3 hours ago

XFS oo wax ka baddel ku samaysay Shuruudaha uu Urur siyaasadeed ku noqon karo Xisbi Qaran

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa wax ka baddel…

3 hours ago

Shirkadaha macdanka ka qodayay Koofur Afrika oo dhaqaale xumo darteed u weecday Tacabka Beeraha

Kooxaha ka shaqeeya qodista iyo ka ganacsiga Macdanta ee Dalka Koofur Afrika ayaa dhaqaale xumo…

4 hours ago