Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Qansax-dheere ay ka fuliyeen gobolka Baay.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa AS, isla markaasna ay ku qabsadeen hub iyo gaadiid.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in ay sii xoojin doonaan AS.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen Saraakiisha in ay sii socon doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga guud ee deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
Maalmihii la soo dhaafay ciidanka Dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah AS ka sameeyay maamulada dalka sida Koofur Galbeed, Galmudug, iyo Hirshabeelle.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda…