Ciidanka Difaaca Kenya ayaa la xaqiijiyay in shalay ay weerar ku qaadeen Tuulada Daba, oo hoostagta Magaalaa Mandheera,halkaas oo ay jir dil iyo guryo gubid ka geysteen.
Ciidamada Kenya ayaa oo isugu jiray Milati iyo kuwa gaarka ah ee APTU,ayaa mid ka mid ah Gawaaridooda qarax qabsaday,waxaana qaraxa kaddib ay weerar ku qaadeen tuulada Daba oo ku dhow Mandheera.
Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay jir dil u geysteen Rag,Haween iyo dad Da’ ah,waxaana uu ku tilmaamay in ay xadgudub ku sameeyeen dad rayid ah.
Cali Roobow ayaa sheegay in ciidanka ay jir dileen 22 qof, saddex Gurina dab qabadsiiyeen iyaga oo ka careysan weerarka Miidana ah ee ay la kulmeen,kaas oo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay.
Waxaa uu Cali sheegay in falalka noocaas ah ay horseedi karaan in shacabku ka aamin baxaan Ciidanka lana shaqeyn waayaan Hay’adaha amaanka,isaga oo cambaareeyay dhacdadii shalay.
Dadka degaanka oo ka baqaya howlgallo ay Ciidanka sameeyaan ayaa waxaa ka barakacayaan guryahooda,falkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo labo todobaad ka hor meydka saddex Qof oo Soomaalida Kenya ah xoolo dhaqatana ahaa laga helay degaanka Elraam oo ka tirsan Ceelwaaq.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…