Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa maanta doortay Kursi ka bannaan Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad ee JFS ee tirsigiisu yahay UH16 kaas oo ka geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdi Cismaan Xareed.
Guddoonka Sare ee Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii May sanadkaan waxa uu Dowlad-Goboleedka Galmudug ku wargeliyay in uu soo buuxiyo booskaan bannaan.
Codeynta Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu Cabdiweli Ibraahim Garyare ku helay 61 mudane sida uu sheegay shirguddoonka Golahaas oo ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday codeyntaas.
Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka bannaan kuraas Xildhibaannadii qaar ku fadhiyay ay geeriyoodeen, kuwa iska casileen, halka qaar kale ay qabteen xilal ay ku weyn karaan xubinnimadooda Baarlamaanka.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…