GUDAHA/wararka

Bashaqle oo isu beddelaya aag militari oo istiraatiiji ah!

Bashaqle oo ku yaalla inta u dhexeysa Cadale iyo Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa la sheegay in uu isu beddelayo aag militari oo istiraatiiji ah, iyadoo agagaarka laga dhisayo kaabayaal amni oo la xiriira xarunta hawada sare ee Türkiye ee ka socota duleedka Warsheekh.

Dhismaha xarunta ayaa la sheegay inuu billowday dhammaadkii 2025, waxaana wejiga hore ee mashruuca la filayaa in la dhammaystiro 2027, xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud goob fagaaro ah ka sheegay in Soomaaliya kaalin ka qaadan doonta hirgalinta Saldhiggaan.

Wararka ayaa sheegaya in kaabayaasha amni ee Bashaqle ay ka koobnaan karaan xarumo taageera ciidamada dhulka, garoon diyaaradeed iyo kaabayaal militari oo dhanka badda ah. Horumarkan ayaa imanaya xilli Türkiye ay sii xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca ee Soomaaliya.

Waxaa la soo wariyay in ciidamada Türkiye ay joogitaankooda ku ballaariyeen qaybo ka mid ah Shabeellaha Dhexe, iyada oo ujeeddooyinka ugu waaweyn lagu sheegay taageerada ciidamada Soomaaliya iyo sugidda amniga xarunta hawada sare.

Ciidamada Gorgor ee Soomaaliya oo tababar iyo taageero ka helay Türkiye ayaa sidoo kale loo diyaarinayaa hawlgallo ka socda goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhexe, iyaga oo door ka qaadan doona sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanno ka tirsan gobolkaan.

Bashaqle ayaa la filayaa in noqda xarun muhiim u ah qaab-dhismeedka amni ee ku xeeran xarunta hawada sare ee Türkiye, taasa oo sii xoojin karta joogitaanka militari ee Soomaaliya iyo Türkiye ee xeebaha bartamaha dalka. Mashruuca ayaa sidoo kale Soomaaliya siin kara fursad ay kaga mid noqoto dalalka Afrika ee yeesha kaabayaal la xiriira hawada sare.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Turkiga oo kaashanaya Askarta Soomaalida ayaa xoojiyay howlgallada ay ku xaqiijinayaan Amniga Xeebaha Soomaaliya.…

2 hours ago

BFS oo u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga Qaranka

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Daklhiga Qaranka…

7 hours ago

DG Puntland oo sheegtay in Hay’adaha ammaanka ay ku raad joogaan Kooxdii dishay Ganacsade Haamey

War hordhac ah oo kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay…

8 hours ago

Golaha Aqalka Sare BFS oo ansixiyay Sharciga la dagaalanka Burcad Badeeda

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay Hindise sharciyeedka Sharciga la…

9 hours ago

Madaxweynaha Gambia oo Shacabkiisa ka dibadbaxaya Koronto la’aanta ka codsaday in ay is dejiyaan

Madaxweynaha Gambia, Adama Barrow oo ka hadlay dibadbaxyada ka socda dalkiisa ee ka dhashay koronto…

9 hours ago

Soomaaliya diyaar ma u tahay in ay mas’uuliyadda Amniga dalka kala wareegto AUSSOM?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gudan karto mas’uuliyadda Amniga Dalka inay kala wareegto…

10 hours ago