GUDAHA/wararka

AUN Senator Gaagaab oo ku geeriyooday Turkiga & Taariikh nololeedkiisa

Dalka Turkiga waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Geeridiisa waxaa xaqiijiyeen xubno katirsan Aqalka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo mas’uuliyiin kale oo ka tacsiyeeyay.

Senator Gaagaab waxa uu ku fadhiyay Kursiga tirsigiisu yahay UH28 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowlad-Goboleedka Puntland, Marxuum Maxamed Cali Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Turkiga.

Bartamihii Abriil sanadkii 2022kii waxa uu noqday shirguddoonkii kumeel-gaarka ahaa ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka, waxa uu xiligaas diyaariyay Guddigii ka shaqeeyay Doorashada Guddoonkooda.

11kii Agoosto sanadkii 2021kii ayuu ku guuleystay Doorasho ay xilkaan kula tartameen Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Cabdullahi Cali Xirsi (Tima-cadde) & Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) inkasta oo markii dambe ay tanaasuleen.

Mas’uuliyiin ka kala tirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo xubno kale oo aqoon u lahaa Allaha U naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab u tacsiyeeyay ehelkiisa.

Sooyaalkiisa:

Maxamed Cali Yusuf gaagaab ayaa soo noqday Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedka Puntland, waxa uu ku dhashay Godob Jiiraan sanadkii 1944, Waxbarashada waxa uu kusoo qaatay qaybta hoose/Dhexe Magaalada Gaalkacyo.

Dugsiga Sare ee Jamaal Cabdinaasir Magaalada Muqdisho ayaa ka baxay sanadkii 1965tii, Deeq waxbarasho oo Soomaaliya ka heshay Jarmalka Bari ayuu kusoo bartay Sharciga, Shahaadadiisa labaad waxa uu daraaseeyay qaanuunka Caalamiga ah.

Goobaha kale uu kasoo shaqeeyay waxa uu noqday Kaaliye kasoo shaqeeyay Maxkamadda Sare Dalka, Macallin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayuu noqday gaar ahaan Kulliyadda Sharciga.

Marxuum Gaagaab waxa uu kamid noqday Shakhsiyaadkii soo maray Xabsiga muddadii ay joogtay Dowladdii Militariga ahayd oo 7 sano ayuu xirnaa, burburkii Dalka ayuu saldhigtay Dalka Denmark kana mid noqday qurba joogtii Dalka isaga tagtay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Iiraan oo furista Hormuz shuruud uga dhigtay in Maraykanka uu ka baxo Bariga Dhexe

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in keliya halka shuruudda ay ku furi karto Marinka Hormuz uu…

11 hours ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo magaaladii saddexaad kala wareegay Maamulka Koofur Galbeed.

Maleeshiyaadka Laftagareen ayaa si nabad ah kula wareegay Magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo noqonaysa…

11 hours ago

Maanta oo la maamuusayo maalinta Cunnada Adduunka

16ka October waxa ay kamid tahay Maalmaha Qaramada Midoobay ay u xirtay maamuusyada gaarka ah…

13 hours ago

In ka badan 1.4 Milyan oo qof oo cunno la’aan ku wajahaya Gaza

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka ka jira Magaalada Gaza ayaa sheegtay in xaaladda go’doonka ah ee waqtiga…

15 hours ago

Hoggaamiye Aadan Madoobe & Saraakiisha Maamulkiisa oo kawada hadlay Amniga Koofur Galbeed

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan looga hadlay Amniga…

16 hours ago

MW Xasan Sheekh “Qof la weerarayo Ma jirto, mana qabto hal qof Siyaasi ah oo xabsi ku jira”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay meesha ka saaray hadal-haynta la xiriirta…

17 hours ago