GUDAHA/wararka

Antonio Guterres oo ku baaqay in xal laga gaaro xiisadda ka taagan Itoobiya!

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xal degdeg ah laga gaaro xiisadda ka dhex aloosan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Ismaamulka Tigreega.

Guterres ayaa sheegay in aan laga maarmin miiska wada hadalka sidaas awgeed labada dhinac laga doonayo in wada-xaajood dhab ah ay bilaabaan si looga baaqsado gacan-qaad dhexmara labada dhan.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaalada Gobolka Tigray ee Itoobiya. Deganaanshaha Itoobiya waxa uu muhiim u yahay dhammaan Geeska Afrika. Waxa aan ku baaqayaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, xal nabadeedna laga gaaro khilaafka” Sidaasi waxaa yiri Xoghayaha guud ee QM oo qoraalkaan soo dhigay Bartiisa Twitter-ka.

Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka ayaa tebisay in Itoobiya Ciidamo ka joogay Soomaaliya oo aan kamid ahayn Howlgalka AMISOM dib ugu celisay dalkeeda, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay ka gudbay xadka labada dal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa adeegsanaya awood military, waxaana uu diyaariyay Ciidamada Xoogga dalkaas si ay u qaadaan tallaabo ka dhan ah Ismaamulka Tigreega oo kasoo gudbay diilinta cas.

Abiy Ahmed oo sanadkii 2019 la siiyay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa looga digay in uu faraha dhiig la galo, isla markaana uu sabab u noqdo dagaal sokeeyo oo ka bilawday dalkaan Itoobiya oo ay kunool yihiin 109.2 Milyan oo ruux sida ku cad daraasad la sameeyay 2018.

Mustaqbal.

MM Editor

Recent Posts

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

3 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

4 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

5 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

6 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

7 hours ago

Iiraan oo Ukraine ugu hanjabtay inay jawaab ka siin doonto Markabka ay ku beegsatay Badda Caspian

Dowladda Iiraan ayaa si caro leh uga hadashay weerarkii Ukraine ay ku beegsatay mid kamid…

8 hours ago