Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya in ay dib u eegis ku sameeyaan xiisadda diblomaasiyadeed ee hadda dhex taalla laada dal.
Adam, oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu ka weynyahay biyo yar oo la isku qabsado.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay maalgashatay Soomaaliya soddonkii sano ee la soo dhaafay isaga oo xusay in qaabiladda Qaxootiga iyo taageerada amniga ay Kenya uga dhigan tahay maalgashiga Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in muranka dhinaca Badda ee labada dal ay iyaga kaliya xalliyaan islamarkaana uusan soo faragelin dal saddexaad.
Hadalka dambe ee Adam Barre Ducaale ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn dhaq dhaqaaqa dowladda Norway ay ka dhexwaddo Soomaaliya iyo Kenya maaddaama ay iyada tahay dalka gadaal ka riixaya in shirkadahiisa ay shidaal ka soo saaraan badda la isku heysto.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…