Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Jubbaland ayaa 15kii Maarso 2022 muddo labo todobaad ah oo maanta ku siman u qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada 16ka kursi ee deegaan-doorashadoodu tahay Garbahaarey.

Kulamo is daba-joog ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo si loo qabto Doorashada 16ka kursi ee Gedo ma suuragelin in ficil lagu dhaqaaqi karo oo ugu yaraan muujinaya rejo la xiriirta in Doorashadu billaaban karto labadaas todobaad.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, Wasiiro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo duubabka dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa labo garab ugu kala qaybsamay hab maamulka Doorashada.

Dhinacyada is heysta ayaa mas’uuliyadda eedaha dib u dhaca Doorashada 16ka kursi isku tuur-tuuraya, Maamulka Gedo ee ku yimid khilaafka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & DG Jubbaland ayaa diiday in doorashada laga wareejiyo Garbahaarey, waxa uu sidoo kale is hor istaagay Guddiga uu RW Rooble u magacaabay qiimeynta iyo xal u helista caqabadaha hortaagan doorashada kuraastaan.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee DG Jubbaland ayaa ku dooday in uu jecel yahay in Doorashadu ay ka dhacdo Garbahaarey balse haddii xal loo waayo aan laga fursan doonin in laga fakiro goobta kale ee ku habboon in lagu qabto si Gedo ay u yeelato Xildhibaanno ku metala Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

“Jubbaland waxa uu waajib ka saarnaa 51 Xildhibaan oo 8 Senataro yihiin, 27 Xildhibaan oo lagu doortay Kismaayo balse waxaa caqabad noqotay Doorashada 16ka kursi ee Gobolka Gedo oo dhibaato noqotay, kama rejo dhigin in Doorashada lagu qabto Garbahaarey Laakiin waa in xal loo helaa caqabadaha jira, waqtiga oo nagu yar haddii xal la waayo waxaa soo bixi doona go’aanka la xiriira halka lagu qabanayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ma sheegin go’aankooda waxa uu noqon doono balse Kismaayo waxaa ka dhacay shirar looga arrinsanayo sidii laga yeeli lahaa Doorashada 16ka kursi ee ku harsan Dowlad-Goboleedkaas maadaama xubnaha Aqalka Sare iyo Xildhibaannadii lagu doortay Kismaayo lagu wareejiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal.

Haddaba, Muxuu noqon karaa go’aanka Jubbaland laga sugayo ee la xiriira Doorashada 16ka kursi ee Garbahaarey Deegaan-Doorashadoodu tahay?

Mustaqbal