Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacday Doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay HOP#058 oo ay ku loolameen 7 musharax oo ay kamid yihiin Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Doorashada ayaa lagu kala baxay wareegga 1aad kaddib markii Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo qayb kamid ah muddo xileedkii Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay kursigaan uu ku guuleystay maadaama uu helay 54 cod.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle Maxamed Xuseen Maxamed ayaa sheegay in aan loo baahneen wareeg labaad maadaama Sanbaloolshe uu helay codad ka badan 51.

Sidee ayay Musharixiintu u kala heleen codadka Ergada?

1 Amb Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe 54

2.Cabdulqaadir Xuseen Colow    8

3.Cabdullaahi Axmed Xuseen 5

4.Cali Cabdullaahi Cosoble 28

5.Maxamed Afdhuub Markaraan   2

6.Ubax Cali Sheegow         0

7.Yoonis Maxamed Nuur.    3

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa sheegay in uu dadejinayo doorashada kuraasta ku dhiman si ay ugu biiraan Dowlad-Goboleedyada kale ee soo afmeeray Doorashada Xildhibaannada Baarlamaanka 11aad ee JFS.

kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Nuur Iidow Bayle