Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Galmudug ayaa soo gudbiyay habraaca iyo waqtiga ay dhaceyso Doorashada HOP#038, HOP#069 & HOP#095 oo deegaan-Doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug.

SEIT Galmudug ayaa maanta soo gudbinaya Odoyaasha iyo xubnaha Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada Dooraneysa kuraastaan, gelinka dambe ee maanta ilaa berri oo Khamiis ah 10-Mar-2022 waxaa la siinayaa tababar kooban oo lagu tusinayo sida wax loo doorto.

11-Mar-2022 oo Jimcaha ku beegan waxaa shahaadada musharaxnimada qaadanaya u tartamayaasha saddexda kursi halka Doorashada loo qorsheeyay in ay dhacdo 12-Maarso-2022 sida uu Sheegay SEIT Galmudug.

Saddexda kursi ee lagu tartamaya yaa ku fadhiya?

HOP#038: Axmed Macalin Fiqi.

HOP#069: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

HOP095: Cabdikariin Khaliif Dhalac.

No photo description available.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee SEIT Galmudug ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dadejinta Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ku dhiman Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Mustaqbal