GUDAHA/wararka

Mareykanka oo Kenya siiyay Diyaarado Dagaal.

Dowladda Mareykanka waxa ay Kenya siisay diyaarado dagaal oo ay uga talagaleen in ay u adeegsadaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tirade Diyaaradaha Kenya lasiiyay waxa ay gaarayaan lix diyaaradood oo nooca MD-530F ah, waxaana ay ka qayb ka noqonayaan howlgaladooda.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi 23-kii bishan waxaa Kenya lagu guddoonsiiyay diyaaradahaan.

Mas’uuliyiin ka qaybgashay kulanka waxa ay ka hadleen muhiimadda howlgalka Kenya iyo kaalmada Mareykanka.

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend waxa uu sheegay in diyaaradahaasi ay qeyb ka yihiin iskaashiga Amaanka ee Mareykanka iyo Kenya.

Mr Stephan ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in mustaqbalka dhow ay Dowladda Kenya Ku wareejin doonaan lix diyaaradood oo dheeraad ah.

Ciidamo iyo saraakiil kooban oo Mareykan ah ayaa la howlgala Ciidamada Kenya, waxa ay ka gacansiiyaan khibradaha ciidan iyo howlgalada ay sameynayaan.

Xukuumadda Washington waxa ay sare u qaaday tayeenta kenyanka la howlgala wixii ka dambeeyay weerar 5-tii bishaan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidanka Badda Kenya ee Manda Bay oo ku yaalla Gobolka Lamu.

MM Editor

Recent Posts

Soomaaliya & Ruushka oo kawada hadlay Amniga iyo Iskaashiga labada Dal

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Moscow kula kulmay Wasiir ku…

19 hours ago

In ka badan 100 Duullimaad oo maanta ka joogsaday Moscow

In ka badan 100 Duullimaad ayaa maanta ka joogsaday Garoonka Diyaaradaha Moscow ee Dalka Ruushka…

20 hours ago

Gadi Eisenkot oo Netanyahu ku eedeeyay in marin habaabinayo Guusha Xisbigiisa uu ka gaaray Doorashadii dhacday

Gadi Eisenkot oo ah musharraxa Mucaaradka ee loolanka Doorashada la galay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamim…

20 hours ago

DFS oo sheegtay in ay kordhisay howlgallada ka dhan ah AS ee Koofur Galbeed ka socda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhan ah AS ee ka socda Deegaannada…

21 hours ago

Qof kamid ahaa dadkii ku hoos jiray dhismihii ku dumay Islii oo Maydkiisa lasoo saaray

Waxaa Maydkiisa bannaanka loo soo saaray qof kamid ah dadkii ku xayirnaa Dhismaha ku dumay…

21 hours ago

MW Xasan “Haddii aysan Nabad ahayn Muqdishu, London iyanna Amni ma ahan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Muqdisho uu ka jiro amni xooggan…

22 hours ago