Xuseen Cabdi Xalane waa murashax madaxweyne.

Noloshiisii hore

Xuseen Cabdi waxa uu ku dhashay gobolka Bakool, gaar ahaan Ceel Barde.

Noloshiisa shaqsiyadeed

Xuseen Cabdi Xalane waa gabyaa aad loo yaqaan, shaqsi dhaqan yaqaan ah, sidoo kalena ah qoraal iyo taariikhyahan. Buugaagta uu qoray waxaa ka mid ah; Far-Guri’s Culture and Literature iyo silsilada maansada ee cibaaro. Sidoo kale waxa uu soo noqday wasiirka Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya.

Noloshiisii hore iyo waxbarashada

Xuseen Cabdi Xalane waxa uu shahaadada labaad ka haystaa Fallanqeynta iyo Xallinta Khilaafaadka oo uu ka qaatay George Mason University ee ku taal dalka Mareykanka. Waxa uu Dibloma ka haystaa Jaamacadda Oxford oo uu ka diyaariyey Tahriibka Qasabka ah. Waxa uu shahaadada kowaad ka haystaa culuumta maamulka iyo maareynta oo uu ka qaatay Pacific Western University. Waxa uu Dibloma ka haystaa maamulka fulinta oo uu ka qaatay University of Pittsburgh. Waxa uu Dibloma ka haystaa culuumta siyaasadda oo uu ka qaatay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Hankiisa siyaasadeed

Xuseen Cabdi waxa uu shaaciyey in uu u tartami doono xilka madaxweynenimo ee doorashada 2021, waana hoggaamiyaha xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.