Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan

Taariikh Nololeed

Shariif Hasan Sheikh Aden wuxuu ku dhashay magaalada Berdaale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Noloshii Hore iyo xirfada siyaasadeed

Shariif wuxuu ahaa ganacsade guuleystey isla markaana ahaa siyaasi aad saameyn ugu leh gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.  Wuxuu siyaasada soo galay 2004 isagoo noqday gudoomiyaha baarlamaanka ee loo doortay baarlamaanka dowlada kumeel gaarka.  Kadib wuxuu qaban lahaa xilal dhowr ah oo wasiirnimo ah kahor inta aan dib loogu dooran afhayeenka baarlamaanka sannadkii 2010. Mowqifkiisii ​​ugu dambeeyay ee siyaasadeed wuxuu ahaa madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xilligiisii ​​uu ahaa afhayeenkii baarlamaanka dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf lagu doortay magaalada Eldoret ee dalka Kenya;  wuxuu ka horyimid qorshihii madaxweynihii xilligaas ee ahaa in magaalada jowhar loo caleemo saaro Caasimadda cusub ee Soomaaliya.  Markii ay xiisadu korortay iyago ay faragelinayso dowladda Itoobiya, Shariif waxaa usoo kordhay dhaleeceyn fara badan oo ku saabsan faragelinta siyaasadeed ee Itoobiya ee Soomaaliya iyo faragelintii millatari ee ku xigtay ee 2006. Isbedeladaas iyo mowqifkiisa kasoo horjeedka ee Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya iyo bilaabista wadahadallo aan loo fasixin oo lala yeesho Midowga Maxaakiimta Islaamka (ICU) waxay gogol xaar u ahayd in laga qaado jagada Afhayeenka Baarlamanka Janaayo 17, 2007.

Isaga iyo siyaasiyiin kale oo la fikir ah, Shariif Xasan wuxuu aasaasay Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta Soomaaliya (ARS) bishii Sebtember 2007dii magaladaAsmara dalka Eriteriya Isbahaysiga waxaa lagu ammaanay heshiis nabadeed oo ay la galeen Dawladdii KMG taasoo keentay in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya lana geeyo AMISOM.

Bishii May ee sanadkii 2010-kii, Shariif waxaa mar labaad loo doortay afhayeenka baarlamaanka Dawladdii KMG, muddadii uu xilka hayeyna waxaa la saxeexay heshiiskii Kampala iyo Garoowe.  Iyadoo heshiiskii Kambala uu horseeday iscasilaadii Madaxweyne Maxamed Cabdulahir Farmaajo, Ra’iisul wasaarahii waqtigaas iyo kadibna waxaa dhabbaha loo xaaray heshiiskii taariikhiga ahaa ee Garoowe.

Hamiga Madaxweynenimo 

Doorashada Madaxweynenimo ee soo socota sannadka 2021, Shariif waxaa la filayaa inuu u tartamo jagada ugu sareysa dalka.