Xasan Maxamed Xuseen
Taariikh Nololeed
Xasan Muungaab waxa uu ku dhashay gobolka Shabeellada dhexe 31-dii Maarso 1972. Muungaab waxa uu ka soo jeedaa koonfurta Soomaaliya. Qabiilkiisu waa Abgaal, Hawiye. Xasan iyo reerkiisa waxa ay Muqdisho soo galeen daba yaaqadii siddeetameeyadii. Kaddib markii uu ka qali jabiyay dugsiga sare waxa uu waxa barashada jaamacadda u aaday dalka Suudaan. Xasan Muungaab waxa uu shahaaddada koowaad iyo labaad ka wataa Shariicada iyo Qaanuunka, Jaamacadda Caalamiga ee Afrika ee ku taal Khartuum, Suudaan.
Taariikh Siyaasadeedka iyo Himilooyinka
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) waa siyaasi Soomaaliyeed. Waxa uu soo ahaa Duqa magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir intii u dhaxaysay 27 Febraayo 2014 ilaa 26 Oktoober 2015. Waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiiru Dowlaha Caddaalada intii u dhaxaysay Agoosto 2016 ilaa 8-da Febraayo 2017. Waxa uu hore u soo noqday Guddoomiya maxkamadda Ciidanka Qalbka Sida.
Febraayo 2014-tii Xasan Muungaab waxaa dikreeto madaxweyne loogu magacaabay Duqa Muqdisho iyo Gud. Gobolka Banadir. Si loo adkeeyo amniga gobolka, magacaabista Muungaab waxa ay timid kaddib wada tashiyo wada sameeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaarkii Cabdiwali iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Goodax Barre.
Muungaab waxaa lagu ammaanaa in uu is baddalo wax ku ool ah ka sameeyay gobolka intii uu hayay ay ka mid tahay ku soo saa’idinta kaararka aqoonsiyada gobolka. Sidoo kale go’aankiisii Abriil 2014 ee ku aadanaa furitaanka waddooyinka ka xernaa shacabka ee sababo amni ay u xerteen hay’ado dowladeed, caalami iyo kuwo gaar ahba.
Murashaxnimada Doorashooyink 2021
Xasan Xuseen Muungaab waxa uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxwaynenimi ee 2021-2025