Musharaxa Madaxweyne Abdirahman Moalim Ablaal
Kifaaxa Ablaal ee Horumarinta Waxbarashada
1988 Cabdiraxmaan Macalim Axmed Maxamed (Ablaal) waxa uu asaasay Iskuulada Ablaal oo isugu jira Hoose/Dhexe & Sare oo kamid ah dugsiyada ugu tayada Wanaagsan Waddanka ayna wax ka bartaan kumanaan arday iyada oo sidaas oo kalena ay ka qalin-jebiyeen kumanaan arady Soomaaliyeed ah oo maanta shaqooyin iyo masuuliayado kale duwan dadka iyo dadka u haya. Iskuulada Ablaal waxay ka shaqeynayeen Maagaalada Muqdishu xilliyadii ugu adkaa ee dagaalada ssokeeye iyo dawlad la’aanta ay ka jirtay dalka Soomaaliya. Hadda Iskuulada Abalaal waxa ay xarumo waaweyn ku leeyihiin gobolladda Banaadir, Shabeelaha Hoose & Galgaduud.
1998 Cabdiraxmaan Ablaal waxa uu asaasay Dalladda Waxbarashada tooska ah (Schools Associations for Formal Education – SAFE) waxa uuna noqday guddoomiyaha Dalladda. SAFE waxa ay ku guuleysatay in ay isu keento una adeegto in ka badan 300 oo isugu jira dugsiyo hoose/dhexe iyo sare kuwaas oo ku kala firarsan gobolada dalka oo dhan. Dallada SAFE waxa ay noqotay mashruuc si fiican u guuleystay oo xalliyey qayb ahaan dhibaatooyinkii waxbarasho ee ka taagnaa Waddanka, waxa ayna horseed u noqotay dadaalada dib u dhiska Nidaamka Waxbarashada ee Dalka. Dalladda SAFE waxay suuragelisay in kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho iyo mustaqbal ayna maanta qeyb muhiima ka yihiin horumarka bulshada iyo dawladnimada Soomaliya.
Sanadkii 2005 Cabdiraxmaan Ablaal wuxa uu hormuud ka ahaa Aas-aaska, dhismaha iyo joogteynta Jamacadda Soomaaliya (University of Somalia- UNISO) oo kamid ah Jaamacadaha ugu horreeya guud ahaan dalka, Cabdiraxmaan Jaamacadda Soomaaliya waxa uu ka noqday Bare, guddoomiyaha guddiga sare (Board of Directors) iyo guddoomiyaha Maamulka (President) kaddibna waxa uu hormariyey dhowr xarumood oo lagu barto xirdahada iyo afafka,
Muddo kabadan 20 sano Cabdiraxmaan Ablaaal waxa uu kamid ahaa bulshada rayidka Soomaaliyeed iyo Jilayaasha aan dowliga aheyn (Non-state Actors). Waxa uu qeyb ka ahaa Dhaqaaqa Bulshada Rayidka (Civil society in Action), Madasha Bulshada Rayidka (Civil Society Forum) iyo Jilayaasha aan dowliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (Somalia South-Central Non-State Actors – SOSCENSA) oo ay ku middeysan yihiin bulshada rayidka (civil Society Organizations), xirfadleyda (professional associations) iyo ganacsata (business community). Ablaal waxa uu noqday laba xilli oo kala duwan xog-hayaha guud & guddoomiyaha Isu-tagga jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya- (Somalia South-Central Non-State Actors Platform- SOSCENSA-SONSA).
Siyaasadda
Sebtember 2020 Cabdiraxmaan Macalim Axmed Maxamed (Ablaal), aqoonyahano iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ayaa ku dhawaaqay Urur-siyaasadeedka Dhulka Hooyo (The Motherland Party) oo kamid noqonaya xisbiyada siyaasadda ee dalka kuwaas oo ka faa’iideysanaya dib u soocelinta hannaanka tartanka xisbiyada badan kaas oo 46 sano kaddib Baarlamaankii 9aad ee Waddanku ku guuleystay in uu meelmariyo xeerka hirgelinta Hannaaka xisbiayada badan. Xisbiga Dhulka Hooyoayay u badan tahay in uu kamid noqon doono Xisbiyada waddanka ka jira kuwa ugu taageerayaasha badan waxaa guddoomiye ka noqday Cabdiraxmaan Ablaal, taas oo kadhigan in uu Waayo-aragnimo iyo xirfad ku biirin doono masraxa siyaasadeed ee dalka.
Haddaba kaddib 30 sano oo uu ahaa Ablaal adeege bulsho ma kula tahay in la joogo xilligii ugu habboonaa ee uu Waaya-aragnimadiisa ku biirin lahaa dib u dhiska iyo horumarinta Dowladnimada Soomaaliyeed?