Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed -Farmaajo-

Taariikh Nololeed

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, 11-March-1962, Farmaajo waa madaxweynaha 8-February-2017- 8-February-2021,  Waxa xilka kuwareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii 8- Febraury 2017.

Tilmaamihiisa:

  1. Waxa uu aaminsan yahay xoog iyo Xukun keligitalis ah wax aan ahayn in aysan ku habboonayan Soomaaliya
  2. Waxa uu necebyahay Nidaamka Federalka oo lagu xeeriyey dastuurkii Augusto-2012
  3. Dastuurka Dalka waxa uu u arkaa mid u daneynaya dad gaar ah.
  4. Waa Nin aad u fudud oo ay suuragal tahay in uu yeelo wixii ay u yeeriyaan shisheeyuhu
  5. Intii uu xilka hayey waxa uu ku kacay falal halis ku ah dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya

 

Noloshii hore iyo Waxbarashada

Farmaajo wuxuu Sooaaliya ku qaatay waxbarashada dugsiga hoose iyo sare, wuxuuna soo shaqeeyay bartamihii sannadihii sideetamaadkii. Intaas kadib waxa uu u guuray dalka Maraykanka, isagoo heerka koowaad ee waxbarashada jaamacada kaga baxay cilmiga taariikhda jaamacada Buffalo sannadkii 1993kii.

Mudo 25 sano ah oo uu Farmaajo ku noolaa dalka Maraykanka waxa uu soo qabtay shaqooyin dhawr ah oo ay ku jirto Dawlada Maamulka magaalada New York , midiisii ugu dambaysay waxay ahayd sarkaalka u hoggaansanaanta ee Waaxda Gaadiidka maamulka New York. Wuxuu sidoo kale haystay laba dhalasho kala ah Soomaali iyo Maraykan balse waxa sannadkii 2019 ka tanaasulay dhalashada Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare

Farmaajo waxaa ra’iisul wasaare u doortay madaxweyne Sharif Sheekh Axmed bishii Nofeembar 2010kii. Wuxuu yareeyay golihii wasiirada ballaarnaa ee ka koobnaa 31 wasiir isagoo ka dhigay 18 xubnood oo hufan. Mudadii uu Farmaajo xilka joogay waxaa sidoo kale lagu xusuustaa inay ahayd waqtigii askarta Soomaaliyeed ay si dhaqso ah u helayeen mushaarkooda.

Si kastaba ha ahaatee, bartamihii sannadkii 2011kii, mudadiisii ra’iisul wasaarenimada ayaa soo dhammaatay. Awood isku qabsi u dhexeeyay isaga iyo madaxweyne Sharif Sheekh Axmed kadibna guddoonka barlamaanka ayaa markii dambe lagu soo xaliyay dalka Uganda. Khilaafka siyaasadeed ayaa kamid ahaa iscasilaadii Farmaajo ee ra’iisul wasaarenimada.

Hamiga Madaxweynenimo

Farmaajo ayaa aasaasay xisbiga Tayo sannadii 2012. Marka loo eego isaga, ajandaha asaasiga ah ee xisbiga waxa uu ahaa gaarsiinta adeega bulshada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhiirigelinta dib usoo celinta qurba-joogta Soomaaliyeed si ay gacan uga gaystaan hawsha socota ee dib-u-dhiska dalka colaadaha kasoo baxay.

Farmaajo iskudaysgiisii ugu horeeyay ee madaxtooyada wuxuu ahaa sannadkii 2012 isagoo ku hanweynaa inuu badalo madaxweynihii xiligaas Sharif Sheekh Axmed. Wuxuu ku dhammaystay kaalinta 9aad isagoo helau afar iyo toban cod. Wuxuu ku guulaystay sannadkii 2017 inuu noqdo madaxweyne. Isagoo kaalinta labaad ugu soo baxay 72 cod, kadibna wareegii labaad uu kusoo baxay guusha uu ku helay 182 cod.

Farmaajo ma shaacin ujeedkiisa uu ku difaacanayo kursigiisa doorashada 2021. Si kasta ha noqote waxay u badantahay inuu ku jirto codbixinta.