Musharax Madaxweyne – Dr. Cabdinaasir Maxamed
Noloshiisii hore iyo waxbarashadiisa
Dr. Cabdinaasir Maxamed waxa uu cilmi-baare ka ahaa machadka National Institute of Environmental Health Sciences (NIEHS) ee ku yaal magaalada Durham ee dalka Mareykanka. Waxa uu sameeyey cilmi-baarisyo la xiriira molecular biology splicing genes iyo iyo cloned lab animal’s iyada oo ujeedku ahaa in daawo lagu helo. Sidoo kale waxa uu wax ka aas aasay Jaamacadda Gaalkacyo ee Galmudug halka uu door firfircoon ka ciyaaray dadaaladii nabad dhisidda Soomaaliya.
Waxa uu ka qallinjabiyey University of North Carolina, Jaamacadda Chapel Hill ee dalka Mareykanka oo uu kaga taqasusay qalliinka Ilkaha sanadkii 2004. Dr. Cabdinaasir sidoo kale waxa uu wax ka bartay North Carolina State University halkaas oo uu ka qaatay shahaadada labaad ee Jaamacadda oo uu ka diyaariyey Zoology iyo Genetics balse takhasuskiisa hoose waxa uu ka dhigtay Culuumta Siyaasadda sanadkii 1998.
Noloshiisa shaqsiyadeed
Dr. Cabdinaasir waxa uu ka mid yahay shaqsiyaadka sida weyn ay Soomaalida ugu qadariso hal abuurka ganacsi, waxa uu guryo silsilad ah iyo dukaamada ugu waa weyn ee ay Soomaali leedahay ka sameeyey magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Sidoo kale waa agaasimaha Mohamed & cisbitaalka Foulkes DDS PA, Raleigh ee ku yaal dalka Mareykanka, waxa uu sanado badan ku bixiyey sidii uu ku dhisi lahaa ganacsi guuleysta.
Kaddib sanado badan oo uu cilmi-baare ka ahaa machadka National Institute of Environmental Health Sciences (NIEHS) ee dalka Mareykanka, waxa uu wax ka aas aasay oo uu agaasime ka noqday Mohamed & Foulkes oo ah cisbitaal ilkaha lagu daweeyo 2004-tii, kaas oo uu side meel oo kala duwan xarumo ku leh oo ay ka shaqeeyaan dad ka badan 100.
Hankiisa siyaasadeed
Dr. Cabdinaasir Maxamed waa musharax madaxweyne doorashada soo socota ee 2021. Sidoo kale waa aas aasaha xisbiga Gurmad.