Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi

Taariikh Nololeed

Murashax Madaxweyne, Cumar Cabdulaqadir Axmed Fiqi waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo, koonfurta Soomaaliya taariikhda markii ay ahayd 13-ka Abriil 1960. Muddo dheer oo uu ku soo dhex jiray caafimaadka kaddib, Mudane Cumar waxa uu hadda u soo jeestay dhinaca siyaasadda isaga oo u sharraxan kursiga Madaxweynenimo.

 

Taariikhdiisa Waxbarasho

Cumar waxa uu ka bilaabay waxbarashadiisa magaalada Muqdisho, isaga ooJaamacadda Ummada koleejkeeda Waxbarashada ee Lafoole shahaaddada heerka kowaad kaga qaatay Kemisteriga sannadkii 1982. Intaas kaddib, sannadkii 1987, waxa uu u wareegay dalka Kanada oo uu shahaadada heerka kowaad kaga baxay Cilmiga Shaybaarka Caafimaadka, Jaamacadda Mishigaanta Bari (Eastern Michigan, Ypsilant, Michigan-USA) iyo sidoo kale shahaadadaheerka labaad uu kaga diyaariyay Molecular Medicine, Machadka Cudurrada Faafa ee Jaamacadda isla Jaamacaddaas sannadihii 2005 iyo 2007.

 

Waayo-aragnimadiisa iyo Waxqabadkii Shaqo

Cumar waxa uu ugu soo adeegay bulshada Soomaaliyeed qaabab kala duwan inta uusan siyaasadda soo galin. Hawlihiisii ugu dambeeyay waxaa ka mid ahaa maaraynta u soo daabulidda Afrikada bari alaabaha hoteellada, gaaska warshadadaha, baabuurta iyo daawooyinka.

Intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2010, Axmed Fiqi waxa uu baare ka ahaa Shaybaarka duumada ee Machadka Cilmi Baarista Caafimaadka ee Kenya. Waxa uu hore wakiil ugu ahaa shirkad Jarmal ah oo baaritaannada caafimaad samaysa intii u dhaxaysay 2003 iyo 2004. Waxa uu saayentiiste shaybaar caafimaad ka ahaa isbitaalka Mareykanka ee Dubai ee Isutagga Imaaraatka Carabka sannadadii 1996 ilaa 2000. Waxa uu bare maaddooyinka Histopathology iyo Microbiology ka ahaa qaybta culuumta ee jaamacadda EMU Medical Laboratory sannadadii 1994 iyo 1995. Cumar waxa uu sidoo kale shaybaariiste caafimaad ka ahaa Isbitaalka Chatham General Hospital ee ku yaal Chatham, Ontario Canada.

 

Hankiisa madaxweynenimo

Shaacinta in Cumar murashax u yahay xilka madaxtinimada 2021 waa tallaabadii  ugu horreysa ee uu ku soo galay siyaasadda Soomaliya. Isaga oo kaashanaya khibradiisa iyo waayo-aragnimadiisa xeesha dheer, Cumar waxa uu aaminsanyahay in uu midayn karo dibna u heshiisiin karo ummada Soomaaliyeed. Bayaankiisa, waxa uu ku ballan qaadayaa Axmed Fiqi, in uu hagaajin doono amniga dalka, hoos u dhigi doono heerka shaqo la’aabnta, dalkana u horseedi doono  horumar.