Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed

Taariikh Nololeed

Dr. Cabdinuur waxa uu ku dhashaymagaalada Muqdisho, taas uu ku soo qaatay dugsigiisi Qur’aan, kagana baxay dugsiga hoose dhexe ee Hodan. Waxaa uu ka qalin jabiyay Dugsiga Tababbarka Macallimiinta waxa uuna ka shaqo bilaabay wasaaradda waxbarashada asiga oo macallin ka noqday dugsida Dhagaxtuur iyo Xamar ee magaalada Muqdisho. Siddeetanmeeyadii waxa uu Dr. Cabdinur ku biiray Jaamacaddii Lafoole asiga uu ka baranayay Xisaab iyo Fiisikis. Waxa uuna isla waqtiyadaas ahaa bare Akadeemiyada cilmiga Xanaannada Xoolaha ee KM7.

Dr. Cabdinuur waxa uu Maraykan ka diyaariyay shahaaddooyinka heerarka labaad iyo saddexaad ee jaamacadda kulliyadda Hogaaminta Waxbarashada iyo Maamulka ee jaamacadda Ohaayo. Dhawr sannadood ayuu ka shaqeeyay isla kulliyadaas intii uuna ku soo laaban Soomaaliya si uu xil siyaasadeed uga qabto.

Dr. Cabdinur waxa uu Ohaayo ha soo noqday la taliye dhanka waxbarasha iyo heerka III (saddexaad) ee xiriiriyaha gobol uu ka noqday xarunta Lau Resources ee Luqadda Ingiriisiga. Waxa uu bare ka yahay Qaybta waxbarasha ee Ohaayo iyo Jaamacadda Wasterville.

Taariikh Siyaasadeedka iyo Himilooyinka

Dr. Cabdinuur waa siyaasi iyo bare in muddo ah ku soo dhex jiray hawlahaasi. Waxa uu waxbarashada Soomaaliya ku soo dhex jiray sannado intii uuna u guurin USA si uu waxbarashadiisa heerarka sare u sii dhammaystirto. Dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka qarxay awgii, cabdinuur waxa uu iska dagay Maraykanka kana sii watay waxbarashadiisii ilaa 2010kii markaasi uu ku soo laabtay dalka si uu u qabto xilka Wasiirka Waxbarashada, Tacliinta Sare iyo Hiddaha iyo Dhaqanka ee xukuumaddii Tayo ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Maxamed Cabdullaahir Farmaajo (Madaxwaynaha hadda), xilkaasi uu haya 2010 ilaa 2011.

Doorashooyinka Madaxweynenimo 2021

Cabdinuur waxa uu ka mid yahay murashaxiinta u taagan xilka madaxwaynenimada dalka Soomaaliya 2021-2025