Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Taariikh Nololeed

Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, loo soo gaabiyo Mustaf Dhuxuloow waa xubin baarlamaan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo xilal hore u soo qabtay sida Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, waana xubin hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Taariikh Siyaasadeedka iyo Himilooyinka

Mustafa waxa uu markii ugu horraysay ku soo biiray siyaasadda 2012-kii halkaas uu ka soo noqday xubin baarlamaanka DFS waxa uuna ahaa ilaa 2016-kii.

Xilka baarlamaanka waxaa u sii dheeraa, in uu ka mid ahaa golihii wasiirrada Ra’iisul wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ee Janaayo 2014 ilaa Janaayo 2015 xilka haayay asiga oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta.

Intii uu hayay xilka wasiirnimo, Dhuxuloow waxa uu ka qayb qaatay heshiisyo iyo sharciyo mug leh sida saxiixidda heshiiskii Wada Shaqayneed ee Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ay wada saxiixdeen labada dal heshiis is af garad (MoU). Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray gudbintii Sharciga Warbaahinta, kaas oo ay soo dhaweeyeen Midowga Wariyaasha Qaranka Soomaaliyeed.

Mustafa waxa uu k qayb qaatay soona abaabulay dhawr barnaamijyo diiradda lagu saarayay dhallinyarada iyo wacyi galinta guud ahaaneed. Waxaa ka mid ahaa barnaamij wacyi galineed oo loogu tala galay sare u qaadidda wacyiga, la dagaalanka musuqa iyo dhiirriggalinta dowlad wanaaga iyo waddaninimada.

Doorashooyinka Madaxweynenimo 2021

Mustafa waa murashax u taagan xilka madaxweyne ee DFS 2021-2025