Musharax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble

Noloshiisii yaraanta iyo waxbarashada

Cosoble waxa uu shahaadada kowaad ee jaamacadda ka haystaa xiirrika dadweynaha iyo saxaafadda oo uu ka qaatay sanadki 1989 jaamacadda Al-Azhar ee dalka Masar. Waxa uu sidoo kale u tartamay jagada madaxweynimo doorashooyinkii 2012 oo uu galay kaalinta afraad iyo 2017, oo uu galay kaalinta shanaad.

Noloshiisa shaqo iyo middiisa siyaasadeed

Cosoble waa gudoomiyaha guddiga arrimaha dibada ee baarlamaanka Fedealka Soomaaliya. Markii ugu horreysay oo uu barlaaanka ka mid noqdo wax ay ahayd 2010, dib ayaa loo soo doortay 2017dii.

Ka gudoomiye ahaan, waxa uu waajibaadkiisu ahaa in uu sameeyo sharciyada siyaasadda ee heshiisyada dibadda, dhiso wadar ogolka ka dhexeeya hay’adaha dowladda, baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee lala galo heshiisyada iyo xiriirka caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale gacan ka geystay arrimaha la xirira bili’aaannimada, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Cabdiqaadir Cosoble waxa uu leeyahay 12 sano oo khibrad ah marka ay timaado ka shaqeynta hawlaha xiriirka caalamiga, waxa uu la shaqeeyey Qaramada Midoobay, waxa uu ka qeybgalay shirarka Islaamka, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa. Waxa uu sameeyey sharciyo adkeeya dowlad wanaagga, dimuqraadiyadda iyo sarreynta sharciga.

Waxa uu ka mid noqday wafdiyo ka qeybgalay shirar caalami ah sida shirarka Mdaxweyneyaasha, kuwo heer gobol iyo kuwa ururada caalamiga ah sida Ururuka Iskaashiga Islaamka, Jaaamacadda Carabta iyo shirar waa weyn oo heer wasiirro ah.

Kahor inta uusan siyaasadda soo galin, Cosoble waxa uu ahaa ganacsade caan ah oo uu dalka gudihiisa iyo dibadiisaba maalgashi ku sameeyey, gaar ahaan wadamada Gacanka iyo Bariga Africa. Qoyskiisa waxa ay leeyihiin shirkado dibadda wax ka soo dhoofiya una dhoofiya; sida shirkado ka shaqeya kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo Hotel-llo badan. Waxa uu sidoo kale madax ka yahay hay’ad Qaramada Midobay qandaraas ka haysata oo saadka qaabilsan iyo hay’ado gargaar.

Hankiisa Madaxweynenimo

Cosoble waa musharax u taagan xilka madaxweyne ee 2021.