Prof. Cabdi Kuusoow
Taariikh Nololeed
Prof. Cabdi Kuusoow waxa uu shahaaddada koowaad ka qaatay Jaamacadda Mishigan (Michigan) sannadkii 1990. Shahaaddada heerka labaad ee master ayuu hadda ka diyaariyay Qorshaynta Magaalooyinka (Urban Planning) Koleejka taubman ee Arkitekjarka iyo Qorshaynta Magaalooyinka ee Jaamacadda Mishigan sannadkii 1992. Waxa uu shahaaddada saddexaad, PhD, ka qaatay Jaamacadda Wayne State.
Waayo-aragnimada iyo Waxqabadkii Shaqo
Prof. Cabdi waa aqoonyahan aad loo ixtiraamo iyo qoraa diiradda saaro arrimaha bulshada iyo juquraafiyada-siyaasadeed ee Geeska Afrika. Warqaddiisii qalin jabinta “Guuritaanka/Qaxa iyo Geeddi Socodka Ahaanshaha ee maraan Qaxootiga Soomaalida ee Kanada joogta” la qoray sannadkii 1998 waa mid aad loo hadal hayay.
Maqaalladiisa waxa ay noqdeen kuwo noqda kuwa loogu aqriska badanyahay qaybtooda iyo kuwo abaal marinno uu ku mutaystay.
Murashaxnimada Doorashooyink 2021
Prof. Cabdi Waxa uu shaac qaaday in uu u tartami doono doorashooyinka 2021-2025 ee Madaxtinimada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.