Bashiir Xaaji Cali “Jamaal”
Taariikh Nololeed
Murashaxa Madaxweyne Bashiir Xaaji Cali “Jamaal’ waxa uu 1963-dii ku dhashay Buuhoodle, gobolka Togdheer. Jamaal waxa uu isku sheegayaa in uu yahay hoggaamiye leh aragti fog, daacadnimo, masuul, danqasho iyo dhabar adayg.
Bashiir Xaaji Cali waxa uu u soo wareegsaday magaalada Muqdisho isaga oo sannadkii 1972 ku biiray dugsiga Macallim Jaamac ee Hoose Dhexe. Wax aka qalin jabiyay dugsiga sare ee Lafoole sannadkii 1983. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ka qaatay Jaamacadda Ummada kaddibna waxa uu u guuray dalka Kanada isaga oo halkaas shahaaddada labaad (master) ka diyaariyay cilmiga Waxbarasha ee Jaamacadda Otaawa Kanada sannadkii 1996.
Doorashooyinka Madaxweynenimo 2021
Bashiir Cali waxa uu caddeeyay in uu danaynayo isu soo sharraxidda xilka Madaxwayne doorashooyinka 2021. Waxa uu balan qaaday haddii la doorto in Amniga uu soo celin doono dalkana uu dib u dajin doono. Bayaankiisa qayb ka mid ah waxa uu sheegayaa “habsami u socodka wada hadalka iyo Dib u heshiisiinta waa qayb muhiim ka ah xal u raadinta siyaasadda cakiran ee Soomaaliya waajahayso soddonkii sanno ee ugu dambeeyay.”
Bashiir waxa uu si wayn u rumaysanyahay midnaanta qaranka iyo isku haynta qaranka Soomaaliyeed in ay tahay biyo kama dhibcaan