Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Noloshiisa shaqsiyeed
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu ku dhashay dabshidkii 1968 Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Buula Burte.
Noloshiisii yaraanta iyo waxbarashadiisa
Cabdiraxmaan waxa uu ku dugsiga hoose, dhexe iyo sare ku dhammeeyey Soomaaliya kahor inta uusan tacliinta sare u aadin dalka Sudan, halkaas oo uu 1997 shahaadada kowaad ee Jaamacadda uu culuumta sharciga uga qaatay Jaamacadda Caalamiga ee Africa. Sidoo kale waxa uu shahaadada labaad ka haystaa sharciga, gaar ahaan takhasuska isbarbardhigga Federalada (Comparative Federalism) oo uu ka qaatay Jaamacadda Qaranka ee Malaysiya.
Taariikhdiisa siyaasadeed
Waa siyaasi afmaal ah oo ay bulshadu wada taqaan, sharci yaqaankan waxa uu si weyn u soo shaac baxay sanadihii dambe. Cabdiraxmaan dhawr sano waxa uu ku qaatay dalka boqortooyada Ingiriiska isaga oo la shaqeynayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London. Waxa uu wax ka dhisay kooxda Somali Concern Group ee saldhigeedu ahaa London, waxa uu sidoo kale noqday agaasimaha Muslim Welfare Centre ee waqooyiga London.
2007 waxa uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya waxa uuna noqday gudoomiye ku xigeenkii Isbahaysigii dib u xorreynta Soomaaliya waxa uuna kaalin weyn ka qaatay wadahadaladdii Jabuuti ee 2008-2009. Mudane Cabdiraxmaan waa muwaadin haysta dhalashada Soomaaliya midda iyo Ingiriiska.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu noqday mudane ka tirsan baarlamaankii 8-aad isaga oo sidoo kale noqday Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamka sanadihii 2009-2010.
Hankiisa Madaxweynenimo
Mudane Cabdiraxmaan waxa uu ka qeybgalay tartankii Madaxweynenimo ee 2019, waxa uu ku haray wareegga kowaad kaddib markii uu helay 9 cod. 2021-ka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa loo arkaa msuharax ka adag sidii hore doorashada.