Musharax Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud

 

Taariikh Nololeed

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi oo ku taalla gobollada Hiiraan, 29kii bishii Nofeembar 1955kii, wuxuu ahaa madaxweynihii sideedaad ee Soomaaliya intii u dhexeesay 2012 ilaa 2017.

Noloshii hore iyo Waxbashada

Xasan waxauu waxbarashada hoose ilaa mida dugsiga sare kusoo qaatay magaalada uu ku dhashay ee jalalaqsi kahor inta aanu usoo guurin magaalada Muqdisho sannadii 1987kii. Halkaas oo uu ka qaatay shahaadada dibloomada ee cilmiga tiknolojiyada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu macallin iyo tababarenimo kaga shaqeeyay iskuulka saree tababarada ee Lafoole kahor inta uusan madax ka noqon machadka tababarada macallimiinta ee hoostaga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kadib wuxuu aaday dalka Hindiya halkaas oo uu kasooqaatay shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda Bhopal ( oo hadda loo yaqaan Jaamacadda Barakatullah) cilmiga waxbarashada farsamada.

Xasan wuxuu sidoo kale ahaa sarkaalka waxbarashada ee hay’adda UNICEF u qaabisal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya intii u dhexeesay sannadihii 1993 ilaa 1995. Sannadkii 1999kii wuxuu wax ka aasaasay Machadka Maamulka iyo Maaraynta  Soomaaliya ee SIMAD, oo hadda u dalacday Jaamacadda Simad, isagoo hormuud ka ahaa jaamacadda ilaa 2010.

Xirafadda Siyaasadeed

Xasan wuxuu sannad kahor sameeyay isla markaana uu guddoomiye ka nqoday Xisbiga Nabadda iyo Horumarka, sannadii 2012kii waxaa loo doortay sharci-dejiyaha baarlamaanka cusub ee Dawladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu isla sannadkaas uu ku guulaystay doorashadii madaxweynenimo wuxuuna noqday madaxweynihii sideedaad ee dalka Soomaaliya.

Hamiga Madaxweynenimo

Mudadii madaxweynenimada Xasan Sheekh waxay dhammaatay sannadkii 2016kii, wuxuuna ku guuldaraystay inuu mudo kale qabto isagoo badalay Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) sannadka 2021 waxaa si wayn loo filayaa inuu Xasan inuu soo bandhigo musharaxnimadiisa doorashada.