{"id":99977,"date":"2025-07-09T15:30:41","date_gmt":"2025-07-09T14:30:41","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99977"},"modified":"2025-07-09T15:30:41","modified_gmt":"2025-07-09T14:30:41","slug":"maamulka-gobolka-hiiraan-oo-saanad-ciidan-kala-wareegay-dowlad-deegaanka-soomaalida","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maamulka-gobolka-hiiraan-oo-saanad-ciidan-kala-wareegay-dowlad-deegaanka-soomaalida\/","title":{"rendered":"Maamulka gobolka Hiiraan oo saanad ciidan kala wareegay dowlad deegaanka Soomaalida"},"content":{"rendered":"<p>Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowlad deegaanka Soomaalida ka \u00a0guddoomay saanad ciidan oo loogu talagay in lagu Dardar galiyo dagaalka AS.<\/p>\n<p>Sahaydan oo saarneyd gaadiid xamuul ah ayaa waxaa la wareegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye iyo mas\u2019uuliyiin kale.<\/p>\n<p>Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer oo ku taalla xadka ayaa waxaa ka qeyb galay Mas\u2019uuliyiinta labada dhinac ee Gobolka Hiiraan iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad ayaa sheegay in Saheyda ay kaalin ka qaadan karto dagaalka AS, isaga oo ka gaabsaday inuu sharraxaad ka bixiyo waxa ay ka kooban tahay.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiinta Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa caddeeyay in ay garab taagan shacabka gobolka Hiiraan, si loo Dardar galiyo dagaalka AS.<\/p>\n<p>Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Maxaas ayaa waxaa ka socda kulamo lagu Dardar galinayo dagaalka AS oo dhawaan qabsaday magaalada Moqokori.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dowlad deegaanka Soomaalida ka \u00a0guddoomay saanad ciidan oo loogu talagay in lagu Dardar galiyo dagaalka AS. Sahaydan oo saarneyd gaadiid xamuul ah ayaa waxaa la wareegay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye iyo mas\u2019uuliyiin kale. Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer oo ku taalla xadka ayaa waxaa ka qeyb&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":99978,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99977"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99977"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99977\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99979,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99977\/revisions\/99979"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99978"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99977"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99977"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99977"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}