{"id":99876,"date":"2025-07-07T02:56:48","date_gmt":"2025-07-07T01:56:48","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99876"},"modified":"2025-07-07T02:56:48","modified_gmt":"2025-07-07T01:56:48","slug":"maamulka-ssc-khaatumo-oo-shacabka-gobolka-sanaag-ugu-baaqay-in-ay-ku-soo-biiraan-dowlad-goboleedka-cusub","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maamulka-ssc-khaatumo-oo-shacabka-gobolka-sanaag-ugu-baaqay-in-ay-ku-soo-biiraan-dowlad-goboleedka-cusub\/","title":{"rendered":"Maamulka SSC Khaatumo oo shacabka gobolka Sanaag ugu baaqay in ay ku soo biiraan dowlad goboleedka cusub"},"content":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta siyaasadda guud ee dalka.<\/p>\n<p>Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufatay in shirweynahan uu yahay fursad lagu xoojinayo wadajirka bulshada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.<\/p>\n<p>Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada SSC-Khaatumo &amp; Maakhir in ay si mideysan uga qaybgalaan shirweynaha, kana shaqeeyaan xoojinta wada-tashiga iyo isu-tanaasulka si loo dhiso hay\u2019ad dowladeed oo matasha rabitaanka shacabka.<\/p>\n<p>Wasaaraddu waxay sheegtay in guddiyo farsamo oo isugu jira heer federaal iyo heer goboleed ay hagi doonaan habraaca shirweynaha si uu u noqdo mid miro-dhal ah oo lagu dhammeystiro dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo.<\/p>\n<p>Hadalka SSC Khaatumo ayaa ku soo aadaya xilli dhaqdhaaqyo ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, kuwaasi oo diidan dhismaha dardar galinta howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa war-murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si buuxda u taageerayso qorshaha dowladda federaalka ee la xiriira shirweynaha lagu dhammeystirayo dhismaha dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo. Wasaaraddu waxay tilmaantay in qorshahani uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya maamulka dhiska, ilaalinta midnimada, iyo horumarinta siyaasadda guud ee dalka&#8230;.<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":99877,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99876"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99876"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99876\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99878,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99876\/revisions\/99878"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99877"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99876"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99876"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99876"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}