{"id":99812,"date":"2025-07-05T08:31:13","date_gmt":"2025-07-05T07:31:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99812"},"modified":"2025-07-05T08:31:13","modified_gmt":"2025-07-05T07:31:13","slug":"hayado-caalami-ah-hayado-caalami-ah-oo-walaac-ka-muujiyay-dib-u-dhiska-xooggan-ee-ciidamada-eritreaoo-walaac-ka-muujiyay-dib-u-dhiska-xooggan-ee-ciidamada-eritrea","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayado-caalami-ah-hayado-caalami-ah-oo-walaac-ka-muujiyay-dib-u-dhiska-xooggan-ee-ciidamada-eritreaoo-walaac-ka-muujiyay-dib-u-dhiska-xooggan-ee-ciidamada-eritrea\/","title":{"rendered":"Hay\u2019ado Caalami ah oo walaac ka muujiyay dib-u-dhiska xooggan ee ciidamada Eritrea"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Eritrea ayaa si xooggan u wadday dib-u-dhiska ciidamadeeda qalabka sida tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd sanaddii 2018-ka.<\/p>\n<p>Talaabadan ayaa dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan xasilloonida gobolka, gaar ahaan gudaha Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay\u2019ad fadhigeedu yahay Mareykanka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Sentry oo ah urur u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sidoo kale warbixin ay Isniintii soo saartay ku sheegtay in Eritrea ay xasillooni darro ka abuureyso dalalka deriska la ah, gaar ahaan Itoobiya.<\/p>\n<p>Warbixintu waxay tilmaamtay in Eritrea ay ciidamadeeda dib u dhis ballaaran ku wadaan, isla markaana ay xoojinayaan awoodooda milatari iyo difaac, iyagoo sidoo kale faragelin joogto ah ku haya arrimaha gudaha ee dalalka dariska la ah.<\/p>\n<p>\u201cTan iyo markii cunaqabateynta laga qaaday, Eritrea waxay si degdeg ah u xoojisay dhisidda ciidamada, waxayna waday dhaq-dhaqaaqyo militari oo cabsi gelinaya deriska,\u201d ayaa lagu yiri warbixinta haayada Sentry.<\/p>\n<p>Dowladda Eritrea ayaa si cad u beenisay eedeymahan, iyadoo sheegtay in warbixintaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale, waxay ku eedeysay Itoobiya in ay mas\u2019uul ka tahay xiisadaha ka taagan gobolka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Eritrea ayaa si xooggan u wadday dib-u-dhiska ciidamadeeda qalabka sida tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarnayd sanaddii 2018-ka. Talaabadan ayaa dhalisay walaac ballaaran oo ku saabsan xasilloonida gobolka, gaar ahaan gudaha Itoobiya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay\u2019ad fadhigeedu yahay Mareykanka. Hay\u2019adda Sentry oo ah urur u dooda xuquuqda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":99813,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99812"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99812"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99812\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99814,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99812\/revisions\/99814"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99813"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99812"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99812"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99812"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}