{"id":99617,"date":"2025-06-27T13:25:13","date_gmt":"2025-06-27T12:25:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99617"},"modified":"2025-06-27T13:25:13","modified_gmt":"2025-06-27T12:25:13","slug":"mareykanka-iyo-shiinaha-oo-ka-heshiiyay-dagaalka-ganacsiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mareykanka-iyo-shiinaha-oo-ka-heshiiyay-dagaalka-ganacsiga\/","title":{"rendered":"Mareykanka iyo Shiinaha oo ka heshiiyay dagaalka ganacsiga"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi, iyada oo la soo afjarayo dagaalka ganacsi ee labada dal.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan heshiis la galnay Shiinaha dhowaan,&#8221; ayuu Trump ku sheegay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad.<\/p>\n<p>Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen &#8220;faham dheeraad ah oo ku saabsan hirgelinta heshiiskii Geneva&#8221;, iyadoo laga duulayo wadahadalladii bishii hore ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo labada dal ay ku gaareen xabbad-joojin ganacsi muddo 90 maalmood ah.<\/p>\n<p>Sarkaalka ayaa intaas ku daray in fahamkaas cusub uu ku saabsan yahay sidii dib loogu dedejin lahaa dhoofinta biraha qaaliga ah ee Shiinaha uga yimaada, kuwaas oo muhiim u ah warshadaha Mareykanka.<\/p>\n<p>Heshiiska cusub ayaa daba socda wada-xaajoodyadii ka dhacay London, kuwaas oo dhigay saldhig lagu dhiso heshiis weyn. Hadalka Madaxweynaha wuxuu u muuqdaa mid rasmi ka dhigaya is-afgaradkii laga gaaray kulamadii hore.<\/p>\n<p>Colaadda ganacsi ee u dhaxeysay Mareykanka iyo Shiinaha ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay suuqyada caalamka, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsadeen canshuuro sarre oo la saaray badeecooyin malaayiin dollar gaaraya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka iyo Shiinaha ay kala saxiixdeen heshiis ganacsi, iyada oo la soo afjarayo dagaalka ganacsi ee labada dal. &#8220;Waxaan heshiis la galnay Shiinaha dhowaan,&#8221; ayuu Trump ku sheegay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad. Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen &#8220;faham dheeraad&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":99618,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99617"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99617"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99617\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99619,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99617\/revisions\/99619"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99618"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99617"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99617"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99617"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}