{"id":99614,"date":"2025-06-27T13:21:13","date_gmt":"2025-06-27T12:21:13","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99614"},"modified":"2025-06-27T13:21:13","modified_gmt":"2025-06-27T12:21:13","slug":"madaxweynaha-xasan-shiikh-oo-u-hambalyo-u-diray-dowladda-iyo-shacabka-jabbuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/madaxweynaha-xasan-shiikh-oo-u-hambalyo-u-diray-dowladda-iyo-shacabka-jabbuuti\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Xasan Shiikh oo u hambalyo u diray dowladda iyo shacabka Jabbuuti"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka iyo Dowladda Jabbuuti ugu hambalyeeyay Munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo boggaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go\u2019an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka iyo Dowladda Jabbuuti ugu hambalyeeyay Munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda dalkooda. Madaxweynaha ayaa xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed, isagoo boggaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":99615,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99614"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99614"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99614\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99616,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99614\/revisions\/99616"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99615"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99614"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99614"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99614"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}