{"id":99604,"date":"2025-06-27T08:47:11","date_gmt":"2025-06-27T07:47:11","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=99604"},"modified":"2025-06-27T08:47:11","modified_gmt":"2025-06-27T07:47:11","slug":"kaalinta-soomaaliya-ku-laheyd-xurnimada-dalka-jabbuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/kaalinta-soomaaliya-ku-laheyd-xurnimada-dalka-jabbuuti\/","title":{"rendered":"Kaalinta Soomaaliya ku laheyd xurnimada dalka Jabbuuti"},"content":{"rendered":"<p>Jabbuuti waxay xornimada heshay 27-kii June 1977, balse waddada ay ku gaartay madax-bannaanidaasi ma ahayn mid sahlan. Soomaaliya, oo 17 sano ka hor xorowday, waxay door muuqda ka qaadatay halgankii gobonimo doonka ee walaalaheeda Jabuuti.<\/p>\n<p>Dowladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii waxay Jabuuti u aragtay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Taasi waxay horseedday taageero joogto ah oo siyaasad, dhaqaale, iyo mid diblomaasiyadeedba leh oo ay siiso dadka iyo ururrada Jabuuti u dagaallamayay xorriyaddooda.<\/p>\n<p>Aftidii Faransiisku qabtay sanadihii 1958 iyo 1967 kii, Soomaaliya waxay si adag uga hortagtay natiijooyinka la sheegay, iyadoo ku doodday in rabitaanka shacabka la musuqay. Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si buuxda u garab istaagtay dadka Jabbuuti iyadoo codkooda kor loogu qaaday fagaarayaasha caalamiga ah.<\/p>\n<p>Marka laga billaabo sanadihii 1970 meeyadii Diblomaasiyadda Soomaaliya waxay aheyd mid xooggan, waxaana ay fagaareyaasha Caalamiga gaar ahaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ka taageeraysay \u00a0Jabbuuti.<\/p>\n<p>Guushaas la sugayey waxay timid 27-kii Juun 1977, iyadoo magaalada Muqdisho noqotay meelaha ugu horeeyay ee looga dabaal dagay maalintaasi wayn.<\/p>\n<p>Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay xuskii madax-bannaanida, calankii Soomaaliya-na waxa uu la laalay calanka Jabuuti muujinaya xiriirka aan go\u2019nayn ee labada shacab.<\/p>\n<p>Soomaaliya sidaasi ugama harin Jabbuuti ee waxaa ay markasta la garab taagneyn codkeeda iyo awoodeeda, iyaga oo noqday laba dowladood oo walaalo ah.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jabbuuti waxay xornimada heshay 27-kii June 1977, balse waddada ay ku gaartay madax-bannaanidaasi ma ahayn mid sahlan. Soomaaliya, oo 17 sano ka hor xorowday, waxay door muuqda ka qaadatay halgankii gobonimo doonka ee walaalaheeda Jabuuti. Dowladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii waxay Jabuuti u aragtay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Taasi waxay horseedday taageero joogto&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":99605,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99604"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=99604"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99604\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":99606,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/99604\/revisions\/99606"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/99605"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=99604"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=99604"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=99604"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}