{"id":9768,"date":"2018-10-21T08:52:00","date_gmt":"2018-10-21T07:52:00","guid":{"rendered":"http:\/\/www.mustaqbalradio.net\/?p=9768"},"modified":"2018-10-21T08:52:00","modified_gmt":"2018-10-21T07:52:00","slug":"barcelona-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-savilla","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/barcelona-oo-guul-dirqi-ah-ka-gaartay-savilla\/","title":{"rendered":"Barcelona oo guul dirqi ah ka gaartay Savilla"},"content":{"rendered":"<p>Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan La Ligaha xilli kulanka dhaawac looga saaray Messi.<\/p>\n<p>Barca ayaa Sevilla siin fursad ay ciyaarta kula qabsadaan waxaana gool deg deg ah kaga naxsaday Philippe Coutinho kaasi oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 2-aad .<\/p>\n<p>Xili Sevilla ka dib goolkaas ay sameynayaan hadana waa looga fara dhuubnaa abuurista fursdaaha halista ah waxaana gool kale ka dhaliyay Messi daqiiqaddii 12-aad.<\/p>\n<p>Balse farxadaas waxaa hareeyay murago kale ka dib markii Messi dhaawac looga saaray ciyaarta daqiiqadii 26-aad xilligaas oo lagu badalay Dembele waxa ayna imaaneysaa ka hor kulanka El Clasico ee Barca ku soo wajahan.<\/p>\n<p>Heerka kubad haysashada Barca ee qeybtii hore ayaa gaartay heer dhan %58 balse Sevilla oo ciyaareysay kubad baasas leh ayay ku adkeyd in ay cagtooda ku hayaan.<\/p>\n<p>Qeybtii labaad ciyaarta waxa ay aheyd mid deg degsiimo leh waxaana Sevilla marar badan ku dhaweyd in goosha Barca gaaraan.<\/p>\n<p>Xilli xaalka sidaas yahay ayay Barcelona heleen rigoore waxaana dhaliyay Suarez daqiiqaddii 63-aad balse Sevilla waxaa ka go`anaa in ay goolal helaan<\/p>\n<p>Dhamaadkii Sevilla waxaa fursado ka bad baadiyay goolhaye Ter Stegen balse\u00a0 gool ayay heleen daqiiqadii 79-aad waxaana saxiixay Pablo Sarabia balse Barca gool 4-aad ayay heleen daqiiqadii 88-aad waxaana saxiixay Ivan Rakitic halka Sevillana dhaliyeen gool labaad waqtigii geerida.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd kulan ka tirsan La Ligaha xilli kulanka dhaawac looga saaray Messi. Barca ayaa Sevilla siin fursad ay ciyaarta kula qabsadaan waxaana gool deg deg ah kaga naxsaday Philippe Coutinho kaasi oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 2-aad . Xili Sevilla ka dib goolkaas&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":9771,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[47],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9768"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9768"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9768\/revisions"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9771"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9768"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9768"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9768"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}