{"id":97617,"date":"2025-04-23T17:17:53","date_gmt":"2025-04-23T16:17:53","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=97617"},"modified":"2025-04-23T17:17:53","modified_gmt":"2025-04-23T16:17:53","slug":"in-ka-badan-170-qof-oo-kilyaha-fadhiisteen-oo-gargaar-caafimaad-ka-helay-hayadda-hormuud-salaam-foundation","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/in-ka-badan-170-qof-oo-kilyaha-fadhiisteen-oo-gargaar-caafimaad-ka-helay-hayadda-hormuud-salaam-foundation\/","title":{"rendered":"In ka badan 170 Qof oo Kilyaha Fadhiisteen oo gargaar Caafimaad ka Helay Hay&#8217;adda Hormuud Salaam Foundation"},"content":{"rendered":"<p>Iyadoo ay sii kordhayso tirada dadka Soomaaliyeed ee la ildaran xanuunnada kilyaha, ayaa Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ay noqotay tiir muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed u taagan, gaar ahaan dhinaca daryeelka caafimaadka dadka danyarta ah.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusman, ayaa sheegay in tirada dadka ay hay\u2019addu u qabato adeegga kilya dhaqista ay korortay sanadihii ugu dambeeyay.<\/p>\n<p>Waxa uu tilmaamay in markii hore qorshahoodu u ahaa in la taageero ugu badnaan 20 qof, balse hadda ay gaarayaan 170 bukaan iyo ka badan.<\/p>\n<p><strong>\u201cQorshihii hore wuxuu ahaa in aan kilya dhaqis u sameyno 10 ilaa 20 qof ugu badnaan. Dhammaan bukaannadan waxa aan u dirnaa isbitaalka Daaru Salaam, halkaas oo lagu sameeyo kilya dhaqista. Qarashaadka daaweyntooda bishii wuxuu u dhexeeyaa $500 ilaa $600 qofkiiba, waxaana dhammaan kharashaadkaas bixisa Hormuud Salaam Foundation. Sanadkan, lacagta ku baxsa kilya dhaqista dadkaas waxay ka badnaan doontaa $1,000,000\u201d<\/strong> ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi Nuur<\/p>\n<p>Bukaannada ka faa\u2019iideystay taageerada caafimaad ee Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ayaa ka hadlay dareenkooda, iyaga oo sheegay in xaaladooda caafimaad ka soo hagaageyso sidii hore.<\/p>\n<p><strong>\u201cAnniga oo neefta igu ceshan tahay oo aan neefsan karin ayaa baaris la iigu sameeyay Isbitaalka Daaruslaam, isbuucii hal mar ayaa la I dhaqi jiray dhaqaale igu filan ma heysan, Wiil aan abti u ahay ayaa igu soo xiray Hormuud, hadda caafimaad ayaan dareemaya\u201d<\/strong> ayuu yiri Cabdirisaaq Macalin.<\/p>\n<p><strong>\u201cKaadida ayaa igu adkeyd, mudda la I dhaqaayay kilyaha, ka dib Hormuud Salaam Foundation waxaa ay ugu yiraahdeen waad caafimaaday, wixii kale nala soo xiriir\u201d<\/strong>\u00a0 ayuu yiri Maxamed Xasan oo kamid ah Bukaannada ka faa\u2019iideystay Taageerada Hay\u2019adda.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kamid ah hay\u2019addaha kheyriga ah ee ka qeyb qaata taageerada Bulshada Soomaaliyeed sida dhinacyada arrimaha gargaarka, taakuleynta dadka danta yar iyo ka hortagista Musiibooyinka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Iyadoo ay sii kordhayso tirada dadka Soomaaliyeed ee la ildaran xanuunnada kilyaha, ayaa Hay\u2019adda Hormuud Salaam Foundation ay noqotay tiir muhiim ah oo bulshada Soomaaliyeed u taagan, gaar ahaan dhinaca daryeelka caafimaadka dadka danyarta ah. Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cusman, ayaa sheegay in tirada dadka ay hay\u2019addu u qabato adeegga kilya dhaqista ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":97618,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97617"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=97617"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97617\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":97619,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/97617\/revisions\/97619"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/97618"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=97617"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=97617"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=97617"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}